Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Caawa Kulan Muhiima Isugu Yeeshay Tobanka Urur Siyaasaddeed ee Cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Caawa Kulan Muhiima Isugu Yeeshay Tobanka Urur Siyaasaddeed ee Cusub.
Hargeysa-11-02-2023-(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa shir Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Tobanka Urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka Xisbiyada Qaranka Somaliland oo lagaga Arrinsanayey xaaladda Laascaanood.
Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururada siyaasadda Xaaladda guud ee Dagaalka Laascaanood ka socda, waxaanu madaxweynuhu u sheegay gudoomiyeyaasha iyo madaxdii kale ee ururada siyaasadda ee fadhiyey shirka inay tallo iyo tusaale wixii ay hayaan ee wax ka taraya daminta dagaalka laascaanood ay u furan tahay inay Qaranka ku taageeraan.
Waxaana hadalka la wareegay oo iska dabamaray Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA HORSEED, Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Imaan (Cabdilaahi Derewal), Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA TALOWADAAG, Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA KAAH Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA OGAAL Marwo Rooda Cabdi Muuse, Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA REJO Mudane Cabdilaahi Axmed Maxamed Dahab, Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA MIDEEYE, Aqoonyahan Cismaan Maxamed badmaax, Gudoomiye ku xigeenka URUR SIYAASADEEDKA WAABERI, mudane Cumar Shucayb Maxamed, Gudoomiye kuxigeenka Urur Siyaasadeedka BARWAAQO Mudane Mubaarik Cabdilaahi Ibraahim (Daljir), Gudoomiye ku xigeenka URUR SIYAASADEEDKA HILLAC Marwo Muuna Bille Xirsi, Gudoomiye ku xigeenka URUR SIYAAASADEEDKA SHACABKA, Aqoonyahan Maxamed Warsame Ducaale Waxaanay dhammaantood Madaxweynaha uga mahadnaqeen inuu isugu yeedhay oo uu tallo ka waydiiyo arrinta laascaabood.
Qodobbada Shirka ka soo baxaya ayaa loo balamay maalin-nimada bari iyadoo loo saaray guddi kooban oo soo ururisa nuxurka kulanka.
Wa-bilaahi Tawfiiq