Safiirkii Magacawnaa ee Soomaaliya u fadhiyey Dalka Indonesia oo xilkii ka tegey.

Safiirkii Magacawnaa ee Soomaaliya u fadhiyey Dalka Indonesia oo xilkii ka tegey.
Qoraal uu caawa soo saaray ayaa sidan u dhignaa:

Ku: Warbaahinta Madaxa-banaan
Ujeedo: Baneyn/Ka-tagis “Safiirnimadii ahayd siihaya Magacaaban” ee Indonesia:

Anniga oo Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) oo ku magacownaa xillka Siihaya Safiirka Magacaaban” (Chargé d ́affaires en titre) ee Soomaaliya u fadhiya Indonesia waxa aan halkan ku caddeynayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 16/02/2023 in aan baneeyay oo aan ka tagay “xilkii Siihaya Magacaaban” ee Safaaradda JFS ee Indonesia oo la ii magacaabay 02/03/2022. Xil ka tegistaydan waxa aan ku wargeliyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga (WADIC)oo aan 13/02/2023 qoraal ahaan ugu diray go’aankaygan ii gaarka ah iyo sababaha aan u tegi waayey Jakarta, Indonisia. Waxan u mahad-celinayaa madaxdii iyo hawl-wadeenadii Wasaaaradda Arimaha Dibadda ee aanu soo wada shaqaynay muddadii sannadka ahayd. Waxan idiin hayaa sharaf, ixtiraam iyo qadarin.

Allah Mahad Leh
Ahmed Aden Ismail (Keyse)