Xukuumadda iyo Madaxwaynaha Waxaa Laga Sugayaa Qodobadan Hoose ?
Qorre- Yuusuf Dool
Dagaalku Waa Siyaasad Iyo Qorshe.
1:- Maadaama oo uu Dagaalku ka Gudbay kacdoonkii Shacabka Laascaanood Ee uu ku Bilaabmay Gacno Kalena Soo Galeen in Xukuumadu La Timaado Siyaasad Cad oo Heer Caalami ah oo Dagaalka Laascaanood Lagu Galo si Taageero Siyaasadeed Oo Caalami ah Loo Helo Dagaalka
2:- Xukuumadu Inay Saxaafadda Gudaha iyo Ta Dibaddaba isugu yeedho una Laqinto ama Cadayso Cida Dagaalka Lagula Jiro iyo Eray bixinta Loo Adeegsanaayo.
Waxaan sidaa u Leeyahay Wali Eray bixinta Cida La La Dagaalamayo Waa Lagu kala Qaybsan yahay Markaad aragto wararka TV-yada ka Baxaaya Siyaasiyiinta iyo Bulshada Qaybeheeda kala duwan Ee Dagaalka ka Hadla Waxaa ka Muuqda Fahan la’aan Cida Qaranka Dagaalka kula jirta Ma Argagixisaa. Ma Jabhad nabaddiid ahbaa. Ma Ciidamo Dalalkale ka Soo duulay-baa Waa inay Dawladu Fagaare ku Qeexdaa
3:- Xukuumadu Waa inay Dagaalka Wakhti U Qorshaysaa Soo Afjaristiisa Oo Aanu Noqon Dabo Furan iyo Mid qaata Bilooyin iyo sanado oo Dabo Dheer
4:- Waa in Madaxwaynuhu La Yimaadaa Siyaasad Furfuran Golaha Wasiiraddiisan uu ku soo Daraa Siyaasiyiin Miisaan Culus Leh oo Dalka Kala Dabaasha Dagaalka wakhigan adag La Galay
5:- Waa in Go’aan Laga Gaadho Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/risaaq khaliif oo Siyaadadii dawlada iyo jiritaankii Dalka-ba Ka Horyimid Isaga oo Awoodii Baarlamanka Hayana Aduunka u Qoraaya waraaqo Dacwado ah oo uu ku Beeninaayo Ama ku Wiiqaayo jiritaankii dalka iyo Qorshaha Dagaalka Ee uu Dalku Galay iyadda oo Xukuumadu Labadda Xisbi Mucaarid iyo Golaha wakiiladaba Ku Qancinaysa Dhawaca uu Dalka Gaadhsiiyey walina uu ku sii adkaysanaayo.
6:- Madaxwayne Biixi waxaa Looga Fadhiyaa inuu Qaato Go’aankii Uu Qaatay Axmed Siilanyo bilawgii 1990 kii Go’aankaasi oo ahaa uu Xilkii SNM ku wareejiyey C/Raxmaan Tuur Arimo jiray Darteed Madaxwaynuhu Waa inuu Labada Xisbi Mucaarid U Cadeeyo xiliga La Qabanayo Doorashadii Madaxtooyada.
Maadaama Beelihii darafyadda Ee Asxaabta Loo Furaayey Marka Laga Yimaado inay Sharci ahayd in Ururada La Furi.Aanay Diyaar u ahayn inay Qayb ka Noqdaan oo Labadii Urur Ee sool ka soo jeeday iyo kii Awdal ka soo jeeday Midna aanu Diyaar ahayn Inay Dagaalka dalka Kaalin tooda ka Qaataan Waxba Tari mayso Xisbiyo Beesha dhaxa ah oo soo baxaaye waa inuu Madaxwaynuhu Labadii xisbi Mucaarid Saaxiib dhaw ka dhigtaa. dagaalka uu dalku ku jirana ay Qaybtooda ka Qaataan.
Suxufi Yusuf dool