“Macalin jaamacadeed oo itoobiya u qaaday qof ay ehel yihiin ayaa ka waramay Arin murugo badan.
Macalinkaasi waxa uu sheegay in huteelkii ay degenaayeen ay ku wada jireen 4 qof oo laga helay xanuunka cancerka, markii uu macalinkii dhakhterkii waydiiyey sobobta dadka soomaalida ah xanuunkani ugu badan yahay wuxuu u sheegay in aanay soomaali kale ahayn ee kiisaska oo dhami ay somaliland yihiin,
arintaas ayaa macalinkii aad uga fajacay ka dibna wuxuu damcay in uu bal wuxuun ka ogaado sobobta, markaas ayuu waydiiyey, dhakhterkiina wuxuu yidhi maan arag meel lagu sameeyay daraasad lakiin hadaan fikirkayga cabiro waxaan u malaynayaa in xanuunkan uu ka imanayo cuntada ay cunaan,
waxa kale oo dhakhterkaasi raaciyey itoobiya oo 100 milyan ay ka badan yihiin dadkeedu sanadkii ayaa hal kiis oo cancer ahi na soo maraa.
Alla ha inoo gargaaro”
Waxa Qorey :-Foosi Wadaad-yare