Annigu shakhsiyan kursiga aan doonayo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa igala qiimo weyn dhiigga hal muwaadin oo dadkayga ah oo daata, Xisbiga WADDANI waxa uu u taagan yahay, nabadda, wadajirka iyo midnimada umadda waana shay lama taabtaan ah.
Annagu ma rumeysnin, waanu ka soo horjeednaa, mana taageersanin, in xalku noqdo xabad, xoog iyo is muquunin, Xukuumadda Muuse waxa aan ugu baaqayaa in nabadda fursad la siiyo ay ka soo qaaddo ciidanka, shacabka hubeysanna waxa aan leeyahay qoriga dhiga.