Muse Biixi oo Ku Socda Dariiqii Hitler
Muse Biixi oo ku soo baxay doorashadii muranku ka taagnaa ee uuga tanaasulay Guddoomiye Cirro. Hitler wuxuu ku soo baxay doorasho xukunkana wuu maroorsaday oo wuu ka degi waayay, ayaan darrada Somaliland iyo SNM ku dhacday waxa weeye wixii ay u dagaalamayeen oo ay aaseen oo dhabadii wadatashiga iyo isu tanaasulka ka baxday.
Somaliland Madaxwaynuhu waxa uu madax u yahay guddiga fulinta ee ma aha sharci dejiye. Waxaa ka muuqata digreetada uu soo saaray waa mid sharci darro ah oo ka baxsan awoodihiisa caadiga ah, baarlamanka ay shacabku doorteen bayna saaran tahay inay joojiyaan oo wuxuu adeegsanayaa awoodaha degdegga ah(Emergency laws) oo aanu kala tashan xisbiyada qaranka ee jira, laakiin waxa xil ka saaran yahay baarlamanku inay diidaan.
Muse Biixi wuxuu u badheedhay inuu dalka Khalkhal geliyo si uu ugu sii waaro kursiga, Siyaasadda uu yaqaanaana waa isku dhufasho isku dir (Manipulation) reeraha walaalaha ah ee wada daggan Somaliland.
Shalay bay ahayd markii Laascaanood uu dagaalka qaawan ku qaaday iyada oo ay gacanta Somaliland ka baxday sababtuna ay tahay siyaasad xumada hagaysa oo mid ka liita oo sacabka u garaaca uun uu ka dhigto la taliye ama wasiir.
Maantana waxa ay ka taagan tahay gacan libaax iyo jabhadda dulmidiidka oo ay hormood u yihiin Garxajis, oo markii xaqii distooriga ahaa ee inay nabad ku mudaaharaadaan loo diiday ay kallifto inay cunfi isu bedelaan oo hubka qaataan buurahana galaan.
Muse Biixi waxa si badheedh ah isaga iyo Saleban Gaal oo kaashanaya Koomishanka qaranka ku tashadeen fuliyeenna inay karkaarka waydaariyaan Xisbiyadii qaranku inay tartamaan xilligoodi isaga oo ka Muse Biixi ka baqanaya doorashada. Muse wuxuu cadaawad tusay Guddoomiyaha Xirsi ee Waddani doortay kaa soo u qaadan waa ku noqotay siduu Xirsi guddoomiye uga noqdaa Waddani, waxaanu arkay in reerkii uu ku xisaabtamayay (Habarjeclo) laga hoos saaray dagaal qaawanna wuu la galay.
Beesha reer Sool waxa ay isu arkaan wax kastaaba ha gaadhaane in aan falastiini baad tahay danbe aanay qaadanaynin imminkana ay maamul samaysteen.
Haddii Muse Caqli leeyahay waxaa uu ogyahay in Reerka Garxajis go’aan hore u gaadheen in aan doorasho laysku waafaqsanayn degaankooda laga qaban,
waana xaq distoori ah oo ay leeyihiin.. Jabhadda dulmi diidna way la qabtaa, ee waxa ay u muuqataa in Muse ila meerayso uu wado, haddii uu is yidhaahdo awood xoog ku marsiina ay tahay saqiiristii Somaliland.
Waxaanan xildhibaanada baarlamanka uugu baaqaya in ay diidaan digreetada doorashooyinka ururada hadday in yar damiir leeyihiin oo ay ilaaliyaan kitaabkii ay ku dhaarteen haddii baarlamanka la keeno inay ansixiyaan.
Waxa xaqu ku jiraa waa doorasho isku sidkan sidii tii kaartoonka Saleban Gaal ku riday ee uu roobka u dhigay.
Waxaan uugu baaqayaa Xoogaga Dulmi diidka ahi inay galaan madaxtooyada kana soo saaraan gafanayaasha bilaa sharciga ku jooga.
Said Mohamed 07/08/2023