Waxaa isoo gaadhay in maalintii 23aad xidhanyey Hoggaankii is gaadhsiinta ciidamadda Badda S/land kornayl Ahmedyassin Awfarah
Axmed waxa lay sheegay markuu 5 cisho jeelka wayn ku jiray in reerkiisii ogaaadeen ilaa maanta na maxakamad aan la hor keenin.
Axmed waxa uu u xidhan yahay 2 Sarkaal oo isaga ka darajo hooseeya oo kala ah Kanadi iyo Cali Xasan.
Midda kaliya ee ay u xidheenna uu yahay shirqool iyo in uu nin Garxajis yahay oo aanay ka amar qaadan doonin, maadaama oo reerkiisu qarandumis yihiin siddee loogu aamini karaa xilka ay qiil ka dhigeen, waa amuur kale oo xasuustii 1984-88 dub inoogu celinaysa.
Tiraba 22 nin oo xilal ciidan oo ka la duwan ka haya xukuumada, Muuse dhammaantood na Garxajis ah baa la ii sheegayaa inay xidhay yihiin tan iyo Maalintii war buurta Buurta Gacan Libaax soo baxay.
Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay ee aanay daacad ka ahayn wada hadalada inta damiirka leh ee dalka u tudhaysaa wado.
inna rag walaal waxuu ku dhaamo lawaa weli kama ay dhaadhin inta tallada haysa se”
W/Q: Xildhibaan Mohamed Jama Koodbuur