CADDAALADU waa CIDDAYDA uun miyaa ?

CADDAALADU waa CIDDAYDA uun miyaa ?

Afartan (4) nin ee Sawirkoodu idiin muuqdaan
Waa:- 1) Maxamed Illig .2)C.raxamaan Abees. 3)C.Maalik M Coldoon . 4) iyo Dr. Maxamuud Sh Xasan .

Waxay ahaayeen Maxaabiis u xidhan Dawlada S.L . sadex ka mid ah waqtiyo isku dhaw-dhaw oo ah illaa laba bilood ayaa lasoo qabtay , halka C.raxmaan Abees na isaga dhawaan laga daba geeyay.

Ragan Sadex ka mid ahi Maanta waa xor oo Banaanka ayay joogaan , waliba si daran-doori ah ayaa loo sii daayay sadexdii cisho ee ugu danbeeyay, C.Maalik oo saaka lasii daayay ayaa ugu danbeeyay.

Dr.Maxamuud Sh Xasan oo Burco laga soo qabtay isagu wali wuu xidhan yahay, illaa haddana Maxakamadi may xukumine’ waxaa lagu hayaa RUMAAN intaan ka ogahay.

Ma jirto Sabab xadhig kusii hayntiisa lagu micnayn karo oo aan ka ahayn inaanu Dr Maxamuud ka mid ahayn Dadka loo yaqaano Beesha dhexe iyo in aanu helin Cid u dhaq-dhaqaaqda ama Budh’ka uruxda.

Dr Maxamuud Sh Xasan , kumuu dhalan BURCO ee waa nin reer Dhagax-buur ah , waxaynu’se odhan karnaa wuu ku dhalan gaadhay.

Dr.Maxamuud Isagoo aad u yar ayuu Burco yimi, Mal-caamad Qur’aankiisii ayuu ku dhammaystay, Iskuulkiisii Hoose/Dhexe iyo Sare ayuu ku dhammaystay , Aqoontiisii sare ee Jaamacadeed oo ah illaa Diktoora (PHD) ayuu ku dhammaystay.

Macalin ayuu ka noqday Burco , waliba heerarka kala duwan ee Waxbarasho oo dhan , wuxuu noqday Maamulaha Iskuulka Mustaqbal Burco .

Dr.Maxamuud Sh Xasan , BURCO wuu ku dhalay oo ku dhaqmay , wuxuu ku guursaday laba Xaas waxaana Burco ugu dhashay dhawr iyo toban Caruur ah.

Dr.Maxamuud hore waxaa loogu diiday Kaadhka Dhalashada S.L (ID card) oo wax badani kaga xidhnaayeen iyadoo la leeyahay Ma tihid reer S.land , waa sida uu isagu soo dhigay bogiisa Facebook .

Ugu danbayn waxaan leeyahay CADDAALADU ma taqaano waa CIDDAYDA ee Dr Maxamuud Sh Xasan ha helo CADAALAD, hadii uu danbi leeyahay MAXAKADI ha xukunto, hadii uu bilaa danbi yahayna halugu sii daayo Xeer-jajabka loo maray sii daynta ragii kale ee ay wada xidhnaayeen.

Sharmaarke Wacays