Hargeysa Xildhibaan Isku Dubba Ritay Dhalinyarada Deegaankii Laga Soo Doortay

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi, ayaa maanta soo xidhay tartan ciyaareed uu u qabtay kooxo ka dhisan Deegaanka Xaraf ee duleedka Hargeysa.

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ay weheliyaan maamulka Deegaanka Xaraf, waxgaradka iyo Aqoonyahanka Deegaanka iyo Amiin Daad-madheedh Oo ka mid ka mid ah ciyaartoyga heerka sare ka gaadhay Kubadda Cagta, waxa ay ka qayb-galeen daawashada ciyaar lagu soo gebo-gabeeyey tartanka.

Intii Ciyaartu socotay Labada Kooxood ee isugu soo hadhay tartanka, ayaa ciyaar wanaag soo bandhigay iyagoo mid kastaa ku hawlanayd sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Koobka tartanka.