Wararkii ugu danbeeyey Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo Moqdisho lagu diray iyo …

Wararkii ugu danbeeyey  Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo Moqdisho lagu diray iyo …

Ninkan waxaa la yidhaahda Muxyadiin Warbac Shadoor, waa taliyaha haayadda NISA u qaabilsan gobolka Banaadir, waa ninka loo xil saaray dilka Allah ha u naxariisto eh Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa muwaadin Somalilander ah, kana hawl-galaayay haayadda maamulka hawada sare ee Soomaaliya, oo haayadda NISA ku dishay gurigiisa oo ku yaalla meel ka fogayn madaarka magaalada Muqdisho.

Muddo shan ilaa lix cisho ka hor ah, ayaa Allah ha u naxariisto eh Cabdinaasir waxaa looga yeedhay xafiiska NISA ee gobolka Banaadir, waxaana lala teeshay weraysi dheer, waxaa weraysiga la yeeshay seddex nin oo ugu sareeyo Muxiyadiin Wabac Shadoor.

Laba maalmood ka hor geerida Marxuum Dahable ayaa Wabac toos ula soo hadlay Cabdisamad, isagoo ugu henjabay in maydkiisa la is weydiin doono.

Baadhitaan kooban

Markii la ogaaday in maydka Allah ha u naxariisto eh Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable uu yaallo gudaha qol ku yaalla guri dabaqa ahaa ee uu dagana, ayaa koox ka tirsan waaxda baadhista danbiyada CID oo ay ku jiraan shakhsiyaad ja soo jeeda Somaliland, waxay dalbadeen in guriga la jabiyo, si maydka loo arko, balse ilaaliyaha guriga dabaqa ah oo magaciisa la iigu soo gaabiyay Cali, ayaa si kadis ah ugu sheegay kooxdii baadhayaasha ahaa inuu isagu hayo furaha guriga.

Taasi waxay keentay shaki, waxaana la dalbaday in la xidho ninka wardiyaha ka ahaa dhismaha oo beel ahaan ka soo jeeda Xawaadle.

Maanta (shallay) Salaasa , wakhti danbe, ayuu ninka wardiyaha ahi, u sheegay danbi baadhayaasha inuu ogyahay cidda dishay Cabdinaasir, balse intaanu sheegin, laba arrimood loo damaanad qaado 1) Ammaankiisa, 2) in kiiska cid madax banaani la wareegto.

Markii halka xaal marayo, ayaa taliyaha haayadda NISA ninka la yidhaahdo Mahad Salaad wuxuu ka codsaday xallay ahaan Ra’isal wasaare ku xigeenka in baadhista kiiska lagu soo wareejiyo haayadda NISA, balse sidan warka ku helayo, Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa diiday, waxaa saaka ahaan la filaya in la isla hor tago madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Kamaradda CCTV ee dhismaha ku xidhnayd

Xog gaar ah oo aan baadhay ayaa tibaaxaysa in saacado ka hor dilka Cabdinaasir la bakhtiyay laba kamaradood oo ah nooca wax duuba ee loo yaqaano CCTV oo mid ku xidhnayd dhismaha hortiisa, ta kalana ku xidhnayd dariiq ka soo horjeeda dhismaha.

Cabdinaasir dilkiisa waxaa loo adeegsaday xadhiga lagu dabeeyo Laptopka, waxaa la yaab leh, inaan marka guriga loogu soo galaayay aan loo baahan in lagu dul jabiyo, balse si caadi ah loo soo furay.

Baadhitaanku wuu sii socda….

Xigasho Mohammed Abdi Hassan Diridhaba