Xog cusub oo ku saabsan Dilkii Abdinasir Muse Dahable

Xog cusub oo ku saabsan Dilkii Abdinasir Muse Dahable

Isaga oo beerka u yaalla ayaa maydkiisa loogu tegay qolkiisa, labadiisa gacmood oo fidsanaa waxa u duubnaa feedh. Waxa uu u muuqday nin dagaalamayay illaa ay naftu ka baxaysay.

Qolka maydkiisa laga helay, laba ka mid ah daahyada way soo go’een, sariirtu way jabtay, isagana jugo badan ayaa ku yaallay.

Marka aad eegto nabarka kaga yaalla daanka oo hoos iskugu jabay, waxa aad fahmaysa in ay rag tababaran gacanta saareen, darbigana wajiga ugu dhufteen, markii la dul tagay waxa la arkay dhiigiisii oo gidaarka ku masaxan.

Laba xadhig ayaa qoorta u sudhnaa, waxaana lagu guulaysan waayay in loo ekaysiiyo qof is deldelay, waxa fashilyay nabadara ku yaalla jidhkiisa, guriga iyo alaabta burburtay oo ka dhashay isdifaacii uu ka galay in qunyar la deldelo.

Waxa tuhun wayn leh, niman nabadsuggida ka tirsan oo ay apparmentka wada degenaayeen, kuwaas bilayska laga diiday in ay soo xidhaan, ama su’aalo waydiiyaan.

Ciidanka booliska oo markii ay soo gaadheen halkii dilku ka dhacay isku dayay in ay nimankaa su’aalo waydiiyaan, waxa kasii daayay saraakiil ka kala tirsan NISA iyo haayadda duulimaadyada Soomaaliya oo booliska lasoo hadlay, una sheegay in ay raggaa iyagu ay dammiin ka yihiin oo la siidaayo.

Nimanka nabadsuggida ah ee Meesha ay wada deganaayeen marxuumka, saraakiisha xadhigooda hor istaagay ee ka kala tirsan NISA iyo Duulimaadyada intuba waa isku hayb hoose.

Inkasta oo dawladda Soomaaliya waddo baadhis ku saabsan sida dilku Cabdinaasir u dhacay, waxa sahli kara helista xaqiiqada muuqaalada ay duubtay kamaradda apparmentku.

Cabdinaasir Muuse-Dahable AHN, waxa uu bartay cilmiga duulimaadyada hawada, waxa aanu todoba sannadood ka shaqaynayay duulimaadyada hawada Soomaalia.

Sannadkii 2016kii ayuu ka hawlgalay haayadda qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO.

Markii haayaddaasi ku wareejisay dawladda Soomaaliya maamulka hawada, oo intii hore ay iyadu gacanta ku haysay, Cabdinaasir waxa uu ka mid ahaa shaqaale haayaddaas ka tirsanaa oo Somaliland yimi si ay uga hawlgalaan madaarka Hargeisa.

Markii ay Hargeysa yimaadeen isaga iyo 41 qof oo kale oo ka mid ahaa shaqaalihii duulimaadyada, waxa shaqadii ka eryay madaxdii haayadda duulimaadyada Somaliland.
Eriskooda ayaa yimi, ka dib markii ay shaqaalahaasi ka biyo diideen in ay ka ruqsaystaan haayadda duulimaadyada oo mushaharkoodu ka qornaa.

Arrintaas awgeed, haayadda duulimaadyada Soomaaliya ayaa Cabdinaasir u baddashay garoomada Garoowe iyo Boosaaso oo uu muddo sannad iyo bilo ah ka shaqaynayay.

Waxa uu markii danbe u wareegay madaarka Muqdisho oo uu ka hawlgalayay illaa 2022dii, xilligaas oo uu waxbasho u tegay ingiriiska.

2022- 2023 waxa uu jaamacad ku taalla ingiriiska kusoo dhamaystay Master Degree uu ku qaatay cilmiga maamulka hawada.

Markii uu waxbarashada soo dhamaystay oo ahayd dhammaadkii sannadkii hore, waxa uu Cabdinaasir ku soo noqday magaalada Gebilay ee uu kasoo jeedo.

Maalmihii uu Gebilay joogay, waxa uu lactures kusaabsan aqoon biirin ku saabsan sida loo codsado, loogana faa’daysto fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee caalamka uu la wadaagay dhalinyada Gebilay.

Waxa uu dib ugu laabtay goobtiisii shaqada ee Muqdisho dhawaan uun.
Ku laabashadiisa muqdisho ayaa iyana ku beegantay xilli muranka hawada Somaliland iyo Soomaaliya hawada marayo.

Xidhiidh aan la sameeyay dad xogogaal ah, oo aan soo koobay xogtoodii weeye.

Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Muuse Dahable.

WQ” Siddiiq Burmad