Prof. Samatar Oo Maanta Soo Gunaanaday Socdaal Uu Ku Joogo Gobolkii U Dambeeyay Ee Uu Booqdo

19 June, 2013 Ceerigaabo(SM) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo wefti balaadhan oo la socda oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku marayay gobolada Somaliland, ayaa shalay gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolak Sanaag, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay.
Prof. Axmed Ismaaciil oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxa dulkeedka magaalada Ceerigaabo kaga hortegay maamulka gobolka iyo ka degmada Ceerigaabo, Salaadiin, cuqaal, odayaal, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kale, waxaana weftigu markii uu gaadhay magaalada, lagu wareejiyay jidadka magaalada oo ay tubnaayeen dadweyne badan kuwaasi oo weftiga ku qaabilay soo dhawayn iyo shucuur waddanimo, waxaanay markii dambe gaadheen jaamacadda Sanaag.

Prof. Axmed waxa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay barxadda hore ee Jaamacada Sanaag University, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin jaamacada, ardayda, maamulka gobolka, ka degmada, Salaadiin, Cuqaal, Boqoro iyo dadwayne kale oo aad u tiro badnaa. isaga oo Prof. Samater si wayn uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweyay gobolka Sanaag.
Khudbadii uu Prof. Axmed Ismaaciil Samater ka jeediyay Jaamacada Sanaag University, waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray dhinacyada waxbarashada, siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, adkaynta nabadgelyada, la dagaalanka qabyaalada iyo kobcinta maamul wanaagga.

Waxa kale oo iyagna halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Baddaha ee Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel jire), Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, waxaanay si balaadhan uga warrameen taariikhda gobolka Sanaag iyo baaxadiisa.

Waxa sidoo kale iyaguna halkaasi hadallo isugu jira soo dhawayn iyo warbixin ka jeediyay Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan iyo Salaadiin iyo madaxda gobolka Sanaag oo caddeeyay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Prof-ka ee gobolka Sanaag.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa la filayaa inuu maanta soo gunaanado socdaalkiisa uu ku tagay gobolka Sanaag, iyada oo la filayo inuu uga sii gudbo gobollada kale ee dalka, isaga oo hore u soo maray gobollada Salal, Awdal, Gabiley, Maroodijeex, Saaxil iyo Togdheer oo uu khubado u jeediyey Ardayda Jaamacadaha iyo Bulshada ku nool magaalo-madaxyada gobolladaas.

Salaanmedia/Hargaysa