Wasiir Samaale Oo Ka Hadlay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyada Oo La Sheegay In Uu Musharkii Ka Jaray

Wasiir Samaale Oo Ka Hadlay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyada Oo La Sheegay In Uu Musharkii Ka Jaray

May 4,2013 Hargaysa(S M)– Wasiirka Maaliyada Somaliland Mr Cabdi casiis Maxamed Samaale Ayaa Meesha Ka Saaray Wararka Sheegaay In Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada
Maaliyada Laga Joojiyey Mushaharkii Ay Qaadanaayeeyn.
Wasiirku Waxaa Uu Sidaa Ku Sheegay Waraysi Gaar Ah Oo Uu Siiyey Shabakada Wararka Ee Cadceednews.com Waxaanu Yidhi “ Ma Jirto Shaqaale Wasaarada Ka Tirsan Oo Musharkii Laga Joojiyey Oo Deeq Waxbarasho Dibada Ka Helay ,Qofka Wasaarada Ka Hawl Galaa Wuxuu Leeyahay Mushahar Iyo Guno “ Ayaa U Yidhi Wasiir Samaale .
Waxaa Kale Oo Wasiir Samaale Ku Celiyey Mar Kale In Aanay Jirin Shaqaale Bilaa Mushahar Ah Oo Ka Hawl Gala Wasaarada Maaliyada Somaliland,

 

Salaanmedin/hargaysa