Kulan ku saabsan waxbarashadda dalkan Ingiriiska iyo sidii sare loogu qaadi lahaa…Daawo Sawiro

IMG_5656

Kulan aad u balaadhan oo ka dhacay xaafadda Bariga magaaladda London oo ay soo abaabuleen Waxgaradka iyo Haweenka ku nool xaafadda Tawer Halmets ee Bariga London,Xafladaas oo ujeedadeedu ahayd wacyi galin ku saabsan sidii caruurta dalkan ku nool sare loogu qaadi lahaa waxbarashada dhinacwalba ah, tarbiyada iyo sidii dhaqanka wanaagsan la isu fari lahaa, kulankaas oo uu abaabulkeeda lahaa nin dhalinayro ah oo aad ugu dhuun daloola waxbarashada kana mid ah dadka ka shaqeeya Schoolada dalkan oo laguns magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaciil (Sanyare).

IMG_5674

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaciil (Sanyare) oo ugu horeyn kulankan furay Aayado Quraana ka dib waxa uu aad ugu mahad celiyey sida quruxda badan ee aad uga soo qaybgasheen,waxaanu sharaxaad ka bixiyey ujeedada ay usoo qaban-qabiyeen kulankan oo ku saabsan waxbarashada caruurta iyo sidii sare loogu qaadi lahaa,waxa kale oo sheegay in kulankan noocan oo kale ahi uu noqon doono mid joogto ah oo aanu dadka xaafaddan degan ku wacyi galinayo.
Waxa kale oo uu warbxin dheer kaga waramay xaga waxbarashada iyo noocayada caruurta looga baahan yahay,sida loo caawin karo iyo xidhiidhka waalidka iyo ilmaha ka dhaxeeya,Waxbarashadu muhiimada ay leedahay iyo sida caruurta dadka Soomaalida ahi ay wakhtigan ugu soo jeesteen si ay caruurtooda u gadhaan meelo wacan oo ay mustaqbal wacan ka heli karaan.

IMG_5622
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa dadkii lagu soo casumay kulankan ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey sida quruxda badan ee losoo agaasimay kulankan iyo sida wacan ee looga soo qayb galay ,Waxa uu Suldaanku aad ugu dheeraaday muhiimadda Waalidku ay u leeyihiin caruurta iyo sida ay u tahay muhiim in waalidku ay indho dheer ku egaan caruurtooda kana war hayaan waxbarashada hadba heerka ay marayaan,xidhiidh wacana la yeshaan macalimiinta.

IMG_5604
Waxa kale oo ka hadlay kulanka oo aad u muhiim ahaa Suldaana Siciid Sheekh Yuusuf, Sheekh Xuseen Mataan, Sheekh Ismaciil Jaamac Saalax iyo Maxamed Sheekh Maxamuud oo dhamaantood aad uga hadlay qayblo kala du-duwan oo ku saabsan Waxbarashada,Barashadda Diinta iyo Sida ay muhiim u tahay in caruurta loogu dadaalo sidii ay afSoomaaliga aanay u ilaabin loona baro,Waxa kale oo ay carabaabeen in mustaqbalka ay tahay in dalkan laga guuro oo dalkii hooyo loo guuro,iyaga oo rajo ka muujiyey in ay faa’ido badan ka helayaan.
Ugu danbeyntii waxa la gudoonsiiyey shahaadooyin qaar ka mid ah caruurta Schoolada waxka barata oo dedaal aad u balaadhan sameeyey.laguna maamuusay shahaado,waxayna kusoo dhamaatay si aad u sareysa.
Lasoco waxa aan idiin soo gudbin donaa Video ku saabsan kulanka.

Xamse Axmed Salaan
London
www.Salaanmedia.com

 

 

 

IMG_5663

IMG_5673

IMG_5655

IMG_5681

IMG_5600

IMG_5663

 IMG_5637

HALKAN KA DAAWO SAWIRADDA OO DHAN.

Â