Barre Hiiraale oo shaaciyay in gobalada Dhexe Gurmad uga soo socdo (halkuu tilmaamay?)

news-image1

Barre Aadan Shire, (Barre Hiiraale), ninka kaliya ee xilligaan ka bad-baaday in lagu qabto weerarkii kooxda Raas-kanbooni iyo ciidanka Kenya ay iska kaashanayeen ayaa waxa uu sheegay in xilligaan uu gurmad xooggan oo gacan kasiin doona kulaabashadiisa Kismaayo ay uga imaan doonaan gobalada dhexe ee dalka.

“Iska Daa Gedo waa tanaahe, waxaa gurmad iiga soo socdaa Gal-guduud. Waxa ay gacan ka geysan doonaan qaabkii aan Kismaayo ugu laaban lahaa. Innagu qabiil maahin Soomaali weyn ayaan nahay oo dooneysa in ay iska qaado gumeysiga iyo gumeysi kal-kaalka”, Barre Aadan Shire, (Barre Hiiraale), ayaa sidaa yidhii.

Barre Hiiraale ayaa waxa uu intaa raaciyay in ay sida ugu dhaqsaha badan ay ugu laabanayaan magaalada oo uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga xureeyo Keenyaatiga oo uu sheegay in ay gabdhihii Soomaaliyeed ay ku fara xumeynayaan.

Hiiraale ayaa waxa uu xilligaan kusuganyahay duleedka Kismaayo halkaasi oo uu carar ku tegay kadib markii ciidanka Kenya ay si badheedhah u taageereen Axmed Madoobe oo ay doonayaan in ay si qasab ah madaxda Jubaland uga dhigaan inta kalana ay ka dhigaan wax ay dilaan, waxa ay tarxiilaan iyo waxa ay baacsadaan.

Si kastaba ha ahatee lama ogaa sida gurmadka uu sheegay Barre Hiiraale ku gaadhi doono iyo xilliga ay u suura geli karto in uu ku laabto magaaladii cucuda meleteri looga saaray, walina ay maamulayaan qolooyinkii dibad joogga ka dhigay.

Salaanmedia/Mogdisho