26 / 6 / 13
Daaman la qabto goortay egtahay
——Â ———-Â ———–Â Â ———-
Madaabaco waxaan diranayn galena deel qaafe
Shaydaan dirkiisana ma noqon uu dukaansada,e
Bal se shacab wax diiq kaga jiraan daahirshaa abide
Maantana darkii ugu habboon yaan idiin dariye
.
Wixii dana isdiidsiiyay baa taalla door jabane
Dadka wixii addhaxal siisayba duugga aad heliye
Dareenkuba hadduu manta yahay aan dibloo noqonin
Doraatiyo wixi dhacay noqdaan yeelko dedafaysan
Wakhtigaa degdegayoo dhakhsaha waa isdabaroore
Denbigaad gashaa waa beriba deyr kusoo xidha,e
.
Durduradu qofkay jiida tee qoola dabin kiisa
Dakharada aygaadhsii sabaan jirin daweynteede
Dabala qabto goortay egtahay kii doc uga leexda
Daba la qabto inaanay lahayn baan ka diga yaaye
Daacadday ku wada naaxaysaa ducana toos taaye
Dibno iyo calool kala fogbay dumini taalaaye
.
Waa adhijir deleb keeda ee iidil yay dhimanin
Yay karaama wada daadanoo duraygu saamaynin
Dacalada anaa leyli dhigay cuurka yay daminin
Duuduub ayaa lagu liqee ka badi deelal yay dhalinin
Ku dirqiya ayay noqon wixii uu jidhkuba diiday
Danigii run yuu noqoninoo malabku deebaaqin
Digo aasan yuu xaalku noqon olol ka doonaysa
Dibi muu udhalan oo ma jiro ruux dakaan galaye
Yaan dulqaad ka khalad loo fahmine waa dabciga qaare
Inaanuu derbiga gaadhin baa aan ka digayaaye
.
Daadaha caruureed nin weyn kuuma soo duda,e
Damaq iyo xaanuun bay ku tahahay kuu darraansha ahe
Ku dayaa haligayqaar horoo maray dariiqaase
Haddii aan udaadego dhankale rogo dabool keeda
Tusmo dooran iyo xoola badan niman udoonyay san
Oo dadab dhig ugu soo fadhiya meel duleedada ah
Waxa aan dareen siina yaa deris laxaad weyne
Inay dirirti weli taagan too deginba reer keenu
Daaqadaa rag soo tuban yihiin kugu ah duulaan ka
Dabaabadiyo suugana ku yidhi dunida noo keena
.
Yaa difaaca kuu noqon hadday kala dab jee xayso
Yaa difaaca kuu noqon haddii ay dudmadu taallo
Yaa difaaca kuu noqon hadday doonta waada raacdo
Yaa difaaca kuu noqon hadday dooxa wada jiifto
Yaa difaaca kuu noqon haddii laysba wada dayrshay
Dhadhaaradu hadday kala durkaan quudki dacarawye
Dibjir iyo hadday wada noqdaan caydha dubayawday
Yaa difaaci daxal kaa kusudhan ducufka aan quusan
.
Yaa difaaci dihin kaa irmaan lagu dul gaajooday
Yaa difaaci daaq raadisbaa loo digtoor Yahaye
Yaa difaaci dulmiga naafadaa dilayba moo raale
Yaa difaaci doobkeedi noqoy kaan daryeel qabine
Yaa difaaci laac daadsan bay wada duljoogtaaye
Â
MAXAMUUD CISMAAN ( MOHOLIN )