Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 3-aad)

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 3-aad)

IID 

Akhriste qaybta 3-aad ee qoraalkaygan ku aadan mawduucan, sidii aan gunaanadkii qaybti 2-aad kusoo sheegay, ma adeegsan doono kalmadaha wada hadal ee waxa aan kullamada Somaliland iyo Somalia ku tilmaami doonaa kullamada dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Somalia madaama 2-ba dal oo qaranimmo isku haysta sidoodii aan loo wada hadleyn ammaba loo wada kulmin.  

 

Ka hor intaanu kulankii 3-aad ee dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Somalia ku qabsoomin Turkey-ga, sidaan qormaddii 2-aad kusoo sheegay, waxa wafti balaadhan oo uu madaxwaynuhu hogaaminayo socdaal ugu ambabaxeen dalalka Imaaraadka (Emirates) iyo Turkey-ga.  Waftiga waxa raacay suxufiyiin TV-ga qaranka ka socda si shacabka reer Somaliland ee masaakiinta ah loogusoo gudbiyo indha sarcaadka soo dhawaynta lagu tilmaamay ee Carabta iyo dawlada Somalia dajisay ee qaybta ka ah sasabaada iyo marxabaysiinta la marxabaysiinayo shacbiga Somaliland si aan kacdoon u dhicin, geedi socodka dib-u-heshiisiinta ee xukuumadda Siilanyo wadana ku kalsoonaadaan.  Waxa qosol badneyd markii wariyihii waftiga la socday socdaalkii Turkey-ga uu war ka dhigay ee uu ugu yaraan midhidh (at least one minute) si faah-faahsan (in details) u tilmaamay sidii loosoo dhaweeyay waftiga ee uu yidhi: “waxa xusid mudneyd in madaxwaynaha Somaliland galbinayeen gawaadhi tiradoodu ay kor u dhaaftay 13 gaadhi oo ay wadaan dareewalada u gaarka ah ee loo tababaray in ay soo galbiyaan madaxda kala duwan ee caalamka. Madaxwaynaha JSL hab maamuuskani loo sameeyay waxa ka dhex muuqday ciidamada kala duwan ee dawlada Turkey-ga oo madaxwaynaha Somaliland si aada usoo dhawaynayay iyagoo qaarkood wadada taagnaayeen islamar-ahaantaana ay ka-kala joojinayeen gawaadhida kale. Madaxwaynaha Somaliland waxa hareero socday gawaadhida lagusoo dhaweeyo madaxda kala duwane caalamka, gaar ahaan nooca u gaarka ah wadankani turkey-ga”. Waxa isna hadalkiisa mar walba ku bilaabayay waxa naloosoo dhaweeyay si meeqaam sare ah, wasiirkii horee ariimaha dibada.

 

Markii 2-dii socdaal ee Imaaraadka iyo Turkey-ga lagasoo noqday waxa hadana Turkey-ga dib loogu noqday, si looga gaadhsiiyo shirkii Somalia ee May 7-deedii ka dhacayay London, kulankii 3-aad ee dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Somalia.  Waxa xusid mudan sida turkey-gu uu ficil diplomaasiyeed ugu iftiimiyay inaan kulanka meesha ka dhacaya dhex-dhexaadin iyo wada hadal 2-ba dal oo qaranimmo isku haya u dhaxeeya aheyn ee uu yahay dib-u-heshiisiin. Madaxwaynaha Turkey-gu markuu madaxwaynaheena Siilaanyo iyo madaxwaynaha Somalia qasrigiisa ku qaabilay wuxu ku wada fadhiisiyay isku kursi oo ay isbarbar fadhiisteen iyagoo waliba qoslaya, halka madaxwaynaha Turkeyga iyo wasiirkiisa ariimaha dibaduna kursigii kasoo horjeeday ku wada fadhiisteen.  Adduunka kama dhacdo 2-ba dal oo qaranimmo isku haya oo aan walli ka heshiin qadiyada ay isku hayaan in cidda dhex-dhexaadinaysa is ag-fadhisiso, protocol-ka diplomaasiyadeed ayeey ka baxsantayba. 

 

Qosolkii iyo farxaddii la isku qaabilay ka dib waxa sidaad la wada socotaan la saxeexay heshiiskii loogu yeedhay Ankara Communiqué amma Baaqii Ankara.  Baaqaas Ankara qodobada ku taxnaa oo 7-ba ahaa wax cusub kuma jirin marka loo eego qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Chevening House ee laakiin 2-ba qodob oo kuwii Chevening House ahaa ayuunba badil yar oo laakiin micne wayn ku fadhiya lagu sameeyay.  Qodobadaas 2-da ah waxa ay kala yihiin iyagoo af-soomaali ku turjuman:

  • Q-3 ee Ankara: In wada hadalku ka dhaxeeyo xukuumadda federalka ah ee Somalia iyo xukuumadda Somaliland, beesha caalamka oo geedi socodkan wada hadalada (process) taageraysaana waxa ay bixinaysaa fududeyn (facilitation) qudha marka loo baahdo.
  • Q-4 ee Ankara: In la isla qaatay in la dhiiri galliyo lana fudaydiyo deeqaha caalamiga ah iyo horumarinta la siiyo Somaliland.

Si aynu u eegno meesha isbadilku kaga jiro waa kuwan 2-da qodob ee kuwan la midka ah amma u dhawaa ee heshiiskii Chevening House qodobadiisii ku jiray:

  • Q-5, farqadiisa 4-aad: Kasoo qayb gallayaashu (the participants) waxa ay beesha caalamka ugu baaqeen in lasii waddo fududeynta wada hadalada isla markaana loo fidiyo, 2-da dhinacba, khuburo (experts) dibada ah (external) oo kala taliya amuuraha shuruucda (legal) dhaqaalaha (economic) iyo ammaanka (security).
  • Q-5, farqadiisa 5-aad: Kasoo qayb gallayaashu (the participants) waxa ay isla oggolaadeen in la wadaago khibrada ku aadan sidii hab raad reeb leh (effectively) loola shaqayn lahaa beesha caalamka dhinaca isticmaalka deeqaha horumarineed iyo bina-aadamnimo ee 2-da dhinacba, waxa ayna beesha caalamka ugu baaqeen in gargaarkaa sare usii qaado.

 

Hadaba hadaynu is-dultaagno 4-tan qodob oo labba labba isku ag-dhigno, waxa uu qodobka 3-aad ee heshiiska Ankara dhigayaa in beesha caalamku 2-da dhinac ee wada hadlaya u fidinayso oo qudha (only) fuduudeyn marka loo baahdo.  Kalmada u baahan in la is-dultaago waa kalmada “qudha” oo markaas tilmaamaysa in beesha caalamku wada hadalkan lug kaloo ay ku yeelan kartaa haba-yaraate jirin waxa aan ka aheyn fududeyn oo waliba marka loo baahdo uun ah.  Waxa taas ka duwan qodobkii 5-naad, farqadiisa 4-aad oo isagu tilmaamaya in beesha caalamku 2-da dhinac ee wada hadlaya u fidiso khuburo kala talisa xagga shuruucda, dhaqaalaha iyo ammaanka.  Su’aashu waxa ay tahay Somaliland ma ka faa’idaysatay qodobkaas, oo aan hubbo inay reer Somalia ku darsadeen dalabka khuburada, oo ma dalbatay Somaliland khuburo kala talisa wada hadalkan iyo shuruucda lagu kala bixi karo Somalia?  

 

Isna qodobka 4-aad ee Ankara ayaa ah mid dawlada Somalia waydiisanaya inaanay carqalad ku noqon deeqaha la siiyo amma la siin doono Somaliland xagga qodobkii 5-naad, farqadiisa 5-naad ee Chevening House Somaliland la bidayay waayo aragnimo oo la waydiisanayay inay la wadaagto Somalia khibrada la shaqaynta hay-yadaha caalamiga iyo isticmaalka deeqaha kala duwan.  Qodobka 4-aad wuxu Somaliland oggolaysiiyay inay Somalia ka mid tahay oo sidaa daraadeed xukuumadda Muqdisho is-hortaagi karto deeqaha ay helayso amma dawlada Somalia ba usoo maraya.

Xaqiiqadu waxa ay tahay in 4-tan qodob oo qudhi ina tusi karaan wada hadalkani halkuu ku dhammaan karo amma halka la damacsanyay innuu ku dhammaado haday sidan kusii socdaan.  

 

Sidoo kale waxa xusid mudan qodobkii 7-aad ee heshiiska Ankara, oo isna ku jiray heshiiskii Chevening House, oo farayay 2-da dhinacba in laga taggo hadalada xajiinta leh ee khatar galin kara sii socodka wada hadalka 2-da dal.  Qodobkan oo sida ay u eegtay Somaliland soo bandhigtay ayaa hadana waxba ka badalin in dawlada Somalia mar walba ku cel-celiso qorshaha wada hadalada ay ka leedahay madaama uu daba taaganyay barlaman ilaalinaya in kulan walba oo dhexmara 2-da dhinac waafaqsanyay qorshaha qaranka Somalia.  Hadaba yaa ilaaliya xukuumadda Somaliland in wada hadaladu waafaqsanyiin qorshaha iyo himilada qaranka Somaliland? Meeyey barlamankii Somaliland? Allow gar-gaar Somaliland.

 

La soco qaybta 4-aad.

 

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com