Sanadguurada Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Gudida Talo Iyo Tawfiiq Oo Xalay Lagu Qabtay Hotel Ambassador Ee Magaalada Hargeysa.

1009762_606076909423281_866794331_n

Hargeysa(SM) July04, 2013 -Xafladan oo ay soo qaban-qaabisay Gudida Talo iyo Tawfiiq ee Beesha Habar-yoonis ee sanadkii hore lagu sameeyey shirkii daalo, ayaa munaasibad balaadhan ku qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa,taas oo ahayd mid si cajiiba loo soo agaasimay, islamarkaana ay ka soo qayb galeen dad aad u faro badan oo kulmisay wajiyo badan.

1003412_606076752756630_326756318_n

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen, siyaasiyiin, aqoonyahano,madaxdhaqameed,haween, dhalinyaro iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee beesha, ayaa ugu horaynba waxa ay sheegeen gudidii soo qaban-qaabisay in shirkan aan lagaga hadlayn wax siyaasada oo cidi wadato, islamarkaana lagaga hadlayo oo kaliya hawlaha reerka ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ee dhinac kasta iyo wixii u qabsoomay gudida intii ay jirtay.

1017361_606076722756633_1532466705_n

Gudida soo agaasintay iskuna soo duba riday shirkan oo halkaa ka soo jeediyey khudbado dhaxal gal ah, ayaa sheegay inay soo dhameeyeen intii badnayd khilaafyo yaryar oo ka dhex jiray beesha, waxyar oo aan macno lahayna u hadhsan yihiin soona afjari doonaan dhawaan hadii alle idmo,waxa kale oo ay xuseen inay kormeer ku soo mareen dhamaan degaanada ay degto beeshu, daraasadna ay ku sameeyeen meel kasta waxa ka jira, soona dhiseen giduyadii ka hawl galilahaa deegaanadaas.iayaga oo intaa ku daray inay dhamays tireen gobolada:sanaag, sool, togdheer,ceel-afweyn, maroodi-jeex, una hadhsan yihiin saaxil iyo oodweyne, kuwaas hadhsana ay dhamaystiri doonaan bacda Rabadaan.

382522_606076846089954_1296757595_n

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen inta bada xunaha kaga jira xukuumada iyo siyaaiyiin kale oo reerka ah ayaa dhamaan waxa wajiydooda ku muuqanaysay sida ay ugu faraxsan yihiin, taas oo mid kasta uu ka arkayey inuu ka dhexmuuqdo oo doorkiisa la siiyey, iyada oo loo sheegay in aan loo dul qaadan doonin nin ka daba hadla nin kale, oo ay iska ilaaliyaan waxa reerka wax u dhimaya iyo hawlaha kale ee ay bulshada oo dhan uga masuulka yihiin.

Waxa ay gudidu si qodo dheer uga hadashay Dekada maydh iyo wadada ka timaada Burco soona marta Oodweyne ilaa Hargeysa oo ay sheegeen inay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, balse lagu tiriyo inta badan reerka oo ay tahay inay beeshu doorka kaga haboon ka qaadato.

 

Salaanmedia/Hargaysa