Bishan 12-keeda Oo Ku Eeg Wakhtigii Bangiga Barclays U Qabtay Xawilaadaha Iyo Dedaalo Lagaga Hortagayo Inaanu Bangigu Xayirin Akawnada Xawilaadaha Oo Isa Soo Taraya

Barclay bank

 

Hargeysa(SM)-Bulsho-weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka reer Galbeedka ayaa waxa soo food saaray cabsi weyn oo ah sidii ay eheladooda daafaha dunida ku kala filiqsan ay biilasha ugu diri lahaayeen, wixii ka dambeeya bishan aynu ku gudde jirno 12-keeda August/12/2013 oo ku eeg wakhtiga uu bangiga Barclays uqabtay inuu ku xidhi doono Akaawnada shirkadaha lacagaha xawila, inkastoo laga yaabo in qaarkood loo ogolaado inay sii shaqeeyaan ilaayo bisha December ee fooda inagu soo haysa.

Horaantii bishii May ayay ahayd markii Bangiga Barckays ee ku yaala dalka Ingiriisku uu si toosa ushaaciyay inuu ku wargaliyay in ka badan 250 shirkadaha lacagaha xawila in Akawnadooda la xayiri doono, isagoo Bangigu isla wakhtigaasba xayiray qaar ka mid ah Akawnadii ay xawilaadaha qaarkood ku lahaayeen.

Talaabooyinkan lagu bartilmaameedsanayo in albaabada loo laabo shirkadaha lacagaha xawila ee ummada af-Soomaaliga ku hadasha u ah meesha ay ka dhaq-dhaqaaqayaan (Life Support) ee noloshoodu ku tiirsan tahay ayaa hore uga soo bilaabmatay wadanka Maraykanka, iyadoo bangiyada wadankaas qaarkood ku guuleysteen inay xidhaan Akawnada shirkadaha lacagaha dira.

Dhanka kale Waxaana jira abaabulo xoogan oo ay wadaan shirkadaha xawilaadaha, Jaaliyadaha Soomaaliyeed, xubno ka tirsan goleyaasha Senate Maraykanka iyo Baarlamaanka Ingiriiska, ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Bini’aadamka sidii looga hortagi lahaa inay dhacdo in la xidho akawnada xawilaadaha Soomaalidu ku leeyihiin Maraykanka iyo Ingiriiskaba, iyagoo walaac weyna ka muujiyay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii laysku dayo in la carqaladeeyo lacagaha dadka Soomaaliyeed udiraan eheladooda baahan ee dalka gudihiisa ku sugan. Dhanka kale waxa iyaguna si weyn uga digay haayadaha United Nationska ee dalka Soomaaliya inaan marnaba laysku dayin in la hakiyo anba la joojiyo lacagaha dadka Soomaaliyeed isku taakuleeyaan ee ay ku daryeelaan dadkooda.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Togaherer