DALKU gurmad ayuu u baahan yahay, Inqilaab shacab/meliteri (utudhaagu waa inay dalka gacan kuqabataa) inuu dhacaa waa lagamamaarmaan

image

Waxaa ayaandaro ah xaalada dalkii maraayo oo maalinba maalinta ka danbeysa quus ku gelinaysa. Ruuxa caqliga fayoobina  is waydiinaayo sababta xukuumadu u doorbidey inay qaado dhabihii horseedilahaa  kala yaac ama qaran dumis. Waxaa kale oo iyana iswaydiin mudan oo qofkii in uun xasuusi ku hadhay uu is waydiinayaa waxay ku dhinteen kumanaankii qof iyo mujaahidiintii xoriyada aynu maanta hadhsanayno u go’ay. Maxaynu burbur, qax, dhimasho, leeleel, iyo dagaal uga dooranay dowladii markaa jirtey cadaadis kasta haynagu haysee, haday ay ku danbeynayso sidatan iyo Haddii raggii lagu tirinaayey inay ka naxayaan u gelayaan sidan. shacabkeygu maxay taangi iyo baybay iyaga oo dhagax tuurayaa ugu badheedheen.  Silaayo Ilowshiiyo dhawaa ma umul baa shalay bay ahayd markii dadkiisu wadhnaa Dulcad, Daroor iyo xeryihii kale qaxoontiga.

 

Miyeynu  ka yeelnaa  sida xukuumadani dalkii iyo dalkii ukala qoqobtey, loo kala qaloonaayo, qaran dumiska, hanti boobka, cabudinta iyo weliba hada oo ay ku darsatey kii yidhaa ka daabaya in ciyaala suuqa layidhaa cay u miisa. JAwaabtu waa mayaa. Guntii iyo gebogebadii haddaynaan isdaba qaban meel fog baynu ka daydayi markaa dalka masteexiisi aaway?

 

Aduunbaaba gabadhyahay    gadafeeyay timahoo
gogol lagu bulsheeyiiyo    guur u feedhanaaye
miyuu wiil gayaani    go’e maanta jooga
geeri weeye caydhu ye    sawtan laysay gaajadu
mid aad garabka saartiyo    miyuu geesi noolyahay
Aduun baaba geenyooy   wabigii ganaaniyo
gacan wabi ku yaaloo   haraad li’i u gamaayex
geestayada miyuu faras   gaashaan qaadi joogaa
geeri weeye caydhu ye   sotan laysay gaajadu
midaad garabka saartio   miyuu geesi noolyahay
anigiyo naftaydaa   habeen madow gudaysoo
geedbay qof moodee   tii oon gudin u hayn bay
laama goo i leedoo   gacmihii i daaleen
garaad dumar ma dheeree   yaa garwaaqsan jirayeey
gabadh kibirtay oo ladan   yaa garawsan jirayeey
geenyo aan jaraysnayn   yaa dagaal ku galayeey
gooni u halaabee   Yaa garan waxa i gubay

 

Fanaankii Weynaa Marxuum Maxamed Mooge (ilaahay naxariistii janno haka waraabsho)

 

Waxaan u malaynayaa hadal inu dhamaadey oo maanta lagaadhay waqtihii layidhi “ yaa maalijirayey”

 

INTA KALE BULSHO WEYNTA SOMALILAND IYO GEESIGII KA NIXIJIREY BAL INAY GAROWSADAAN AYAAN GEES UGA ISTAAGAYAA.

 

ALLE WEYN NINKII AAMINA AWOOD LEH

 

 

 

 

 

MUHAMAD JAMA KOODBUUR (SHIINE)

 

LONDON