Iyada oo maanta lagu wado inuu addis ababa ka furmo shirka xalka loogu raadinayo arriamaha jubooyinka ayaa waxaan Warbaahinta ayaa heshay xog muhim oo ku saabsan qodobo labada dhinac la hor dhigi doono oo dowladda Ethiopia iyo dalalka IGAD

Kismaayo2

Iyada oo maanta lagu wado inuu addis ababa ka furmo shirka xalka loogu raadinayo arriamaha jubooyinka ayaa waxaan Warbaahinta ayaa heshay xog muhim oo ku saabsan qodobo labada dhinac la hor dhigi doono oo dowladda Ethiopia iyo dalalka IGAD ay u arkaan kuwa xal keeni kara labada dhinacna ay ku qanci karaan.

Qodobadan oo dhowr ah ayaa waxaa ay ka heshay warbaahinta ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Addis-Ababa, waxaana ka mid ah:-

1 – In Dowladda Somalia ay aqoonsato sharci ahaanshaha maamulka Jubaland iyo madaxweynenimada Axmed Madoobe.

2 – In Axmed Madoobe uu aqbalo in xilkiisa uu noqdo mid KMG ah, oo ka kooban laba sano

3 – In shir lagu dhameystirayo dhismaha Jubaland la qabto, ayada oo labada dhinac ay ku lug yeelan doonaan xulista xubnaha golaha wasiirada.

4 – In ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa kale ee jooga duleedka Kismaayo ay dib ugu noqdaan magaalka, kuna biiraan ciidanka Jubaland

5 – In dowladda Somalia ay yeelato maamulka Dekedda iyo Garoonka Kismaayo, islamarkaana dhaqaalaha halkaas kasoo xarooda wax laga siiyo Jubaland

 

Salaanmedia/Mogdisho