Jaamac shabeel “Toban kun oo askari ayaanu darjo siinay mushaharkiina u kordhinay , Macadantii dalkana waanu soo saaraynaa”

kulmiye

Gudoomiyaha golaha Kulmiye Jaamac Shabeel  ayaa ka hadlay darajadda lagu taxay ciidamada qaranka isagoo u waramay saxaafda qaarkeed “Waxa runtii taariikhi ah oo aan la dafiri Karin in xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku guullaysatay bixinta derajooyinka ciidammadda oo ay dufcadii u horeysayba ka dhigtay toban kun oo askari oo aanay derajo qalalan ku tixin’e ay u raacisay Gunooyinkii derajooyinku lahaayeen. Runtii waa qoddob weyn oo dawladnimadda ka dhinaa oo la fulay.waxaanan xukuumadda ku taageeraynaa inay babac dhigtay fulinta arrintaasi oo sadexdii dawladood ee ka horeeyayba ay ku dhiirran waayeen. Derajadu waxay muunaynaysaa ciidammadda, waxaanay horseedaysaa dhismaha ciidanimo oo yididiilo yeelanaya. Waxa hore u jirtay in mushaharkii shaqaalaha iyo ciidammadda uu kordhiyay isla bilowgii markii uu xilka qabtayba,”ayuu Yidhi Shabeel .

Shabeel waxa kale oo uu sheegay in isbedelka xukuumadda Siilaanyo ay laf-dhabar u tahay siyaasadda dibadda oo uu ku dooday in xiligan beesha caalamku kala fahmay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo aanay waxba iskugu jirin, isaggoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Meelaha isbedelka laga dareemayo waxa xudun u ah siyaasadda dibadda Somaliland, waxaana jihadda xukuumaddu awooda saartay ay sababtay In caalamku fahmo in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya oo ay isu soo hor-fadhiistaan sidii laba dal oo kala madax-banaan. Arrintaasi ahmiyad aan yarayn ay leedahay oo aan ku bogaadinayo madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba.”

“Waxaan leeyahay Ragga doonaya inay doc-farruuraan xukuumadda ka daaya dalka hadalka madhalayska ah madaxweynuhu ha horumariyo dalkee. Waxaan qabaa in xukuumaddu intii awoodeeda ahayd ay fulisay balan-qaadkeedii iyo wax ka badan-ba, waydiinka arka ee xitaa macadantii la qodayo  illahay haynoo soo saaro  nimcada dalkeena ” ayuu ku soo gabo gabeeyay  shabeelku.

Salaanmedia/Hargaysa

Wariye Cali dheere  hargeysa 63443287