MAXAMED-KEYSE: Ruuxii hanuunee * Xaqa hoos u eegaa * Ku hagaaga guushoo * Hadimmada adduunyada* Rabbi bowga hiishoo…

image

MAXAMED-KEYSE: Ruuxii hanuunee

 * Xaqa hoos u eegaa * Ku hagaaga guushoo

* Hadimmada adduunyada* Rabbi bowga hiishoo…

 

Hoodo

 

* Ruuxii hanuunee

* Xaqa hoos u eegaa

* Ku hagaaga guushoo

* Hadimmada adduunyada

* Rabbi bowga hiishoo

* Waxa lagu hibeeyaa

* Hoodada wanaaggoo

* Ifka wuxuu ku haystaa

* Sida ugu habbooniyo

* Huwashada xaqiiqdee.

 

* Adduunyadan hayaanka ah

* Marka laga huleelana

* Waxa lagu hagaajaa

* Hillimmada fardowsoo

* Hablo xuurar-caynaa

* Is hareera taagoo

* Wuu ka hawl yareystaa

* Hooggii adduunkoo

* Hoygii samaantiyo

* Hadhuubkii naciimaa

* Loogu hagar baxaayoo

* Ku hurdaa xariiroo

* Hanka wuxuu ka doonaba

* Hoo lagu yidhaahdaa.

Maxamed-Keyse