Shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo dib u howlgelisay qeybtii Dhimirka ispitalka forlaniini ee magaalada Mugdisho (SAWIRRO)‏

Shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo dib u howlgelisay qeybtii Dhimirka ispitalka forlaniini ee magaalada Mugdisho (SAWIRRO)‏

 

Munaasabad xariga looga jarayey dayactir shirkadda xawaalada Dahabshiil ku sameysay qeybtii dhimirka ee Isbitaalka Laasareeti ayaa maanta lagu qabtay xarunta isbitaalkaas ee magaalada Muqdisho.

Dahabshiil laansaleeti  (2)

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay dowlada Somalia iyo shirkadda Dahabshiil, xildhibaano, waxgarad, qeybaha bulshada haween, Dhaqaatiir iyo xubno kale.

Dahabshiil laansaleeti  (3)

Agaasimaha koonfurta iyo bartamaha ee shirkadda Dahabshiil C/raxman Cali Xaaji Xasan oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda ay soo gebagebeysay howlo dayactir ah oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay ka waday qeybta dhimirka ee isbitaalka Laasareeti, isagoo xusay in fulinta mashruucaas ay ku guuleysatay.

Dahabshiil laansaleeti  (5)

“Dahabshiil waxay horey Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka uga fulisay mashaariic ay iyadu maalgelisay kuwaasoo faaiido u leh bulshada, weyna sii wadi doontaa mustaqbalka mashaariicda noocan ah, dhismahan qeybta dhimirka ee aanu dhameynayna waxaan ku wareejinay qeybta caafimaadka ee dowlada Somalia, si ay bulshada ugu adeegto” ayuu intaa ku daray agaasimaha.

Dahabshiil laansaleeti  (1)

Waxaa sidoo ka mid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay madaxa qeybta caafimaadka ee wasaarada horumarinta adeega bulshada ee dowlada Somalia Ducaale Aadan oo shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey dayactirka ay ku sameysay qeybta dhimirka ee isbitaaalka Laasareeti.

 

“Qeybtan dhimirka ee ay maanta inoo dayactirtay shirkadda Dahabshiil 22 sano ka dib waa qeyb muhiim ah oo faa’iido weyn ugu fadhida bulshada, waxaa lagu daweyn jiray dadka qaba cudurada dhimirka ee laga kala keeni jiray Muqdisho gobolada dalka” ayuu intaa ku daray Ducaale Aadan.

Dahabshiil laansaleeti  (26)

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa madaxa qeybta caafimaadka ee wasaarada horumarinta adeega bulshada waxaa uu sheegay iney weli jiraan qeybo kale oo ka mid ah isbitaalka Forlanini kuwaasoo weli burbursan, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada iney ku daydaan shirkada Dahabshiil, gacana ka geystaan dayactirkooda.

 

Masuuliyiinta cusub ee gacanta ku haya qeybta dhimirka ee Isbitaalka Forlanini oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dayactirka ka dib ay qeybtaas u baahan tahay qalab iyo shaqaale lagu dhaqaajiyo, iyagoo wasaarada caafimaadka ee dowlada ugu baaqay iney arimahaas gacan ka geysato si isbitaalka uu shaqadiisa u bilaabo.

 

Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay xubno isugu jiray Dhaqaatiir,haween, waxgarad iyo xildhibaano dhamaantood kum amaanay shirkada Dahabshiil sida ay had iyo jeer isugu taxluujiso hirgelinta mashaariicda faaiidada u leh u bulshada, iyagoo booriyey iney halkooda ka si wadaan dedaalkaas.Muuse Maxamuud Jiisow

00252-061-5576666

00252-0699-907666

 

Wararkii ugu dambeeyey