Siyaasi Daahir Boqore oo kulan qada ah la qaatay Jaaliyada Besha Direed ee wadanka Holland.

Siyaasi Daahir Boqore oo kulan qada ah la qaatay Jaaliyada Besha Direed ee wadanka Holland.

DAAHIR

Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Beesha Direed ayaa wuxuu ka dhacay Hotel bosten ee magalada Apeldoorn shirka oo ahaa mid is xog waraysi arimaha Somaliya ah ayaa waxaa warbixin  dheer soo jeediyey Siyaasi Daahir Xaji oo isagu si weyn ugu dhuun duluula arimaha Somaliya gaar aha jubooyinka iyo shabellada hoose. siyaasiga oo isagu aad ugu dheeraaday arimaha jubooyinka ayaa si weyn u canaantay siyaasiyinta Somalida Kenya oo ku dhaliilay qaabka ay uga hadleen arimaha Jubooyinka wuxuuna ku canaantay inay ku mashquulaan wax u qabashada dadka iyo degaanka laga soo doortay badalki ay fidno ka dhex abuuri lahaayeen bulshada Somaliyeed ee Jubooyinka kunool.

Allsoomaali.com-023

“marnaba siyaasyinta Direed ma aqbali donaan faragalinta Kenya jubooyinkana ma ah  NFD, Somalida degan Jubooyinka taariikhda fog iyo tan dhawba waxaa hormuud u ahaa beesha Direed dhulqaadka iyo tanaasulkeena ma aha in loo qaato inaan ka dhacsanahay siyaasadaha qar iska tuurka ah ee ay wadaan walaalaha qaar” ayuu si kulul u yidhi Siyaasi Boqore wuxu kaloo ka shekeyee kulamadi London ee ay beeshu ku yeelatay sanadkan iyo doorashadi Suldaan guud ee Beesha aad ayayna u Hambalyeyeen dhamaan waxgaradki dhageysanayay qudbadisa shirka shalay oo aha mid xasaasiga lagu xog wareysanaayey.

Waxaa kaloo oo lagu  soo hadal qaaday dagaalki gardarada ahaa ee ka dhacay shabellada Hoose iyado si weyn loo cambaareyay dulaankaa gardarada iyo dulmiga kudhisan, Somalidu waa iney waxbadan ka bartaan Shabelle Hoose taariikh ahaan mana ahan in MARKA CADEY iyo Guriceel la isku khaldo, waxba kuma jabna in dadku wada dago hasa yeshe beeshan ma ah mid mardanbe qaadan doonta dulmi daba dheeraada qori dheer ayana iska riixeynaa cid walbaa oo damac uu ka galo dhulkayaga ayaa lagu yidhi BAAQ si wada jir ah ugaga soo baxay akhiyaarti kulanka ka qaybgashay.

Ugu danbeyn waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto sidii loo mideyn lahaa cududa beesha Direen si meesha looga saaro damaca aadka u gaaban ee ay wadaan qaar ka mid ah beelaha Soomaliyeed, waxaa kaloo iyadna si weyn loo dhaliilay qaabka dowlada Somaliya uga hadashay dulmiga shabelle hoose.Waxa kulanku oo aad u balaadhnaa uu kusoo dhamaaday qaab aad u qurux badan oo dhamaan dadkii kasoo qaybgalay ay soo dhaweeyeen in  laga shaqeeyo mideynta beesha Direen iyo Horumarkeedaba. Waxa shirka isku soo dubo rideyqayb weyna ka qaatay in shirku qabsoomo  Farxiyo Ahmed  Dulmidiid iyo Gudoomiyaha apeldoorn Isman Cali Funge.

 

Salaanmedia/Holand