Somaliland: Wasiirka Khaarajiga oo Sheegay Inay Qaadaceen Shirka Brussels

Hargaysa (SM): Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale cadaysay mawqifkeedda ah in aanay ka qayb-gelin shirka dhaqaalaha loogu ururinayo Soomaaliya ee bisha fooda innagu soo haysa ka dhici doona magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay xafiiskiisa ugu waramay laanta af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aanay shirkaasi ka qayb-gelaynin shirkaasi oo ay u arkaan in uu yahay shir loogu talo galay Soomaaliya iyagana gaar u ah isla markaana aan khusaynin Somaliland.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa wareysigaasi kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin heshiis dhinaca ilaalinta badda ah oo la sheegay in ay dawlada Soomaaliya la gashay shirkad laga leeyahay dalka Holland iyo sidoo kale rejada uu ka qabo in ay Somaliland mustaqbalka dhaw ictiraaf ka hesho beesha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah waxa uu sheegay inay u cadeeyeen kuna qanciyeen mawqifkooda ah in aanay shirkaasi ka qayb-gelaynin wefti ka socday ururka Midawga Yurub oo dhawaan dalka yimid, una qeexeen in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba waddan oo kala duwan, isla markaana aan la is bar-bar dhigi karin marka laga eego dhinacyada horumarka, amaanka iyo dhismaha dawladnimo. sidoo kalena ay aad u kala fog tahay duruufta ay Soomaaliya ku jirto ama heerka ay taagan tahay iyo halka ay Somaliland ka gaadhay horumarka iyo dawladnimada.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaanu ku diidaynaa shirkaasi, waxaanu u aragnaa in uu shirkaasi yahay shir loogu talo-galay dawlada Soomaaliya, iyagana loo qabtay oo gaar u ah,Waanu u sheegnay qadiyadayada iyo dadaalka aanu dalkayaga ka qabanay iyo in aanu laba wadan oo walaalo ah, oo kala gedisan oo jaar ah nahay, isku ahmiyadna aanaan ahayn, dhawr iyo labaatan sanadood ayaa dalkan la dhisayay, dawlada Xamarna waanu jecelnahay in ay dhibta ka baxdo, dhibaato badan ayaana haysata, halka ay marayaan xagga horumarka iyo dawladnimada iyo taayadu (Somaliland) aad iyo aad ayay u kala duwan tahay, markaa waxaanu ku qancinay xubnihii ka socday Midawga Yurub ee noo yimid in aanu laba waddan oo kala duwan nahay, oo aan isku duruuf ahayn, aadna u kala fog marka ay noqoto dhinaca horumarka heer ay Soomaaliya marayso iyo halka aanu marayno. Waanu u sheegnay qadiyadayada iyo dadaalka aanu dalkayaga ka qabanay iyo in aanu laba wadan oo walaalo ah, oo kala gedisan oo jaar ah nahay, isku ahmiyadna aanaan ahayn, dhawr iyo labaatan sanadood ayaa dalkan la dhisayay, dawlada Xamarna waanu jecelnahay in ay dhibta ka baxdo, dhibaato badan ayaana haysata, halka ay marayaan xagga horumarka iyo dawladnimada iyo taayadu (Somaliland) aad iyo aad ayay u kala duwan tahay, markaa waxaanu ku qancinay xubnihii ka socday Midawga Yurub ee noo yimid in aanu laba waddan oo kala duwan nahay, oo aan isku duruuf ahayn, aadna u kala fog marka ay noqoto dhinaca horumarka heer ay Soomaaliya marayso iyo halka aanu marayno”.

Waxa kale oo uu Wasiir Biixi sheegay inay weftigii ka socday Midawga Yurub u soo jeediyeen in ay kala saaraan gar-gaarka dhaqaale ee ay siiyaan Soomaaliya iyo Somaliland isla markaana ay Somaliland gaarkeeda u siiyaan dhaqaale u qalma marka loo eego horumarka ay qabsatay, si ay ugu salayso qorsheheeda dhinaca horumarinta iyo sida ay ugu kala muhiimsan yihiin. “Waxaanu u sheegnay oo kale masuuliyiinta ka socday Midawga Yurub ee noo yimid in wixii gar-gaar ah ama dhaqaale ah in qolo waliba ay keeda gaarkeeda u qaadato, kaayagana ay gaarkooda u helaan oo wixii ay heli karaanba ay helaan, anagana (Somaliland) waxayaga iyo waxyaabaha noo qorshaysan iyo halka sare ee aanu gaadhnay wax u qalma oo ku salaysan qorsheyaashayada horumarineed iyo sida aanu muhiimada u kala siinayno ay noo qabtaan, markaa Soomaaliya laba qorsheyaal horumarineed oo kala duwan ayaanu leenahay” ayuu yidhi wasiir Biixi.

wasiirka arrimaha dibada oo wax laga waydiiyay heshiis la sheegay in ay dawlada Soomaaliya la gashay shirkad laga leeyahay dalka Holland, kaasi oo ku saabsan dhinaca ilaalinta amaanka badda Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay masuuliyada ilaalinta badaheeda u madaxbanaan tahay isla amrkaana aanay ogolaanayn in ay cid kale ka taliso bal se ay xidhiidh wada shaqayneed la yeelan karaan dawladaha jaarka ah si ay iskaga kaashadaan la dagaalanka budhcad badeeda iyo wasakhda baddaha lagu shubo.

Waxaanu yidhi “Dhawaan waxaanu baahinay warsaxaafadeed aanu leenahay haddii aanu nahay xukuumada Somaliland biyahayaga iyo baddahayagaba masuuliyadeedu waa mid anaga na saran, waa mid aanu u madaxbanaan nahay, waa mid aanaan ogolaanayn in ay cid kale ka taliso, hase yeeshee cidii aanu wax wada qabsan karno dawladaha aanu jaarka nahay ama ha noqoto Muqdisho ama Jabuuti ee aanu iska kaashan karno arrimaha la xidhiidha la dagaalanka budhcad badeeda iyo suntan baddaha lagu shubo in aanu cilaaqaad wada yeelano, kana wada shaqayno heshiiska Campla Code loo yaqaano.”

Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in aanay baddaha Somaliland u ogolaanayn cid ruqsad ka haysata dawlada Soomaaliya isaga oo beesha caalamka u soo jeediyay inay aqoonsadaan in Somaliland ay tahay dal leh xuduudo badeed iyo kuwo berriga ahba. Waxaanu yidhi “Cid ruqsad ka sidata dawlada Soomaaliya ma ogolaanayno, waayo waxaanu nahay laba waddan in ka badan ayaanu soo halgamaynay, horumar ayaanu gaadhnay, nabad ayuu waddanku leeyahay, horumarkana heer sare ayaanu ka gaadhnay, markaa waxaanu doonaynaa in uu caalamku noo arko in aanu xuduudo gaar ah leenahay Soomaaliyana aanu laba dal oo walaalo ah nahay, oo aanan cidna kala tashanayn maamulkooda”.

Dhinaca kale wasiirka oo la waydiiyay su’aal ahayd rejada uu ka qabo inay Somaliland mustaqbalka dhaw ictiraaf ka hesho beesha caalamka waxa uu ku jawaabay “Rejo xoog leh ayaan ka qabaa, waxaanan aaminsanahay haddii dadaalka la badiyo oo aad loo shaqeeyo ummadda Somaliland himilada ay leedahay in ay gaadhi doonto, siyaasada aanu ku shaqaynaynaana waxa weeye in aanu cid kasta xidhiidh la samayno, in aanu yeelano siyaasad dibadeed oo casri ah oo aanu cid alla cidii aanu la hadli karaynaba qadiyadayada u sharaxno” ayuu yidhi wasiirku.

Salaanmedia/Hargaysa