War-Deg-Dega Madaxweyne Ku Xigeenkii Masar Maxamed Elbaradei Oo Iscasilay

Hargeysa(SM)-Madaxweyne ku xigeenka Masar Maxamed ElBaradei oo ka mid ahaa raga sida weyn uga soo horjeeday Madaxweynihii xilka laga maroorsaday ee Maxamed Mursi ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweyne ku xigeenka, isagoo warqad qoraal ahna ugud-biyay Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Cadli Almansour.Breaking News

Warqada qoraalka ah ee Maxamed Albaradei uu isku casilay ayuu ku sheegay sida uu uga xun yahay waxa dhacay, islamarkaana sheegay inaanu diyaar u ahayn, qaadahayn-na masuuliyada dhibic dhiiga oo ladaadiyo, waxaanu ka digay inay dhibaatada iyo rabshaduhu ay dalka oo idil ku faafi doonaan.

 

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho Togaherer