Wararkii u Dambeeyay Ee Weftiga Somaliland Ee Ku Sugan China Iyo Shirkadihii ay Booqdeen

Weftigii Xukuumadda Ee China u Tagay Qiimaynta Qalabka Wadooyinka Oo Booqday Gobolo

HARGEYSA (SM)-Wefti gii ka koobnaa Maareeyaha Wakaalladda Waddooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan, Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdillahi Xassan Nugaal iyo Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyadda Sharmaarke Axmed Muxumed ee maalmahanba socdaalka shaqo ku joogay dalka China, ayaa wali ku gudo jira qiimayn kala duwan oo ay ku samaynayaan agabka lagu dhiso waddooyinka oo ay xukuumadda Somaliland doonayso inay ka soo iibsato dalkaasi.

Masuuliyiintani waxay shegeen in ay  maanta  booqdeen gobolo kala duwan oo ka mid ah dal-weynaha China, waxaanay xarumahooda booqdeen shirkado badan oo ay ka urursanayaan macluumaad la xidhiidha qiimaha iyo tayadda agabka waddooyinka Somaliland u baahan yihiin in lagu dhiso.


Weftigani waxay sheegeen inay shirkadaha kala duwan ee ay booqdeen ay kala kulmeen soo dhawayn balaadhan isla markaana ay ku rajo weyn yihiin inay xog-dhab ah iyo qiimayn sugan ku soo samayn doonaan agabka kala duwan ee ay qiimahooda darsayeen.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa wada qorshe weyn oo ay awooda ku saarayso in la hagaajiyo jidadka dalka oo ah halbowlaha koowaad ee kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaanay doonaysaa inay keento qalab casri ah oo ay ku fuliso hagaajinta waddooyinka Somaliland.

 

Salaanmedia/Hargeysa