Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Si diiran Loogusoo Dhaweeyey Gabiley iyo Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo oo ka Muquurtay Soo dhawayntiisa.

Gabiley (SM)- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Dr:Maxamed C/laahi Cumar Ayaa manta Si Diiran Loogu soo dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyadoo Ay Dhamaan Maamulka Ugu sar-sareeya Gobolku Ka Muquurteen Soo dhawaynta Wasiirka. 
DSC00022 
Dhanka Kale Wasiirku wuxuu Kulan Balaadhan La qaatay Qaybaha kala duwan Ee Bulshada Gobolka Gabiley Sida, Ururka Haweenka Qurbe Joogta UK Ee Al-khayriya, Ururka Samafalka Ee Samokaal, Ardayda jaamacada Timacadde Ee Magaalada Gabiley, Ardayda Reer Gabiley Ee Wax Ka Barta Jaamacada Camuud, Cuqaasha Iyo waxgaradka Gobolka Gabiley, Iyo dadwayne Aad U Tiro Badan oo Kamida Bulshada Gobolka. 
DSC09964 
Munaasibadaasi Oo ka qabsoontay Hoolka jaamacada Timacadde Ee magaalada Gabiley Ayaa waxa Ugu Horaynba Hadalo koob-kooban Kasoo Jeediyey Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, Xildhibaan iid Xasan cabdi Iyo Xildhibaan amiin Cumar cabdi, Oo Dhamaantood Soo Dhaweeyey wasiirka Sheegayna Inay aad uga Xunyihiin In Masuuliyiintii Ugu sar-saraysay Gobolku ay ka Muquurtaan soo dhawaynta Wasiirka. 
DSC09986 
Waxa kale Oo halkaasi ka hadley Suldaan ibraahin jaamac samter,Boqor muxumed geele seed, Awciise jaamac, iyo madaxdhaqmeenka gobolka gabiley kuwaasi oo aad u soo dhaweeyey wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland , waxaaney wasiirka ka dalbadeen inuu kala sheqeeyo horumarka gobolka,waxaaney ugu mahadnaqeen booqashadiisa. 
DSC00023 
Xildhibaan ibaraahin axmed haybe , Oo halkaasi hadalkooban ka jeediyey ayaa dadweynaha kula dardaarmey inay muujiyaan isku duubni iyo wadajir, waxaanu ugu mahadnaqay soo dhaweynta ay ku qaabileen wasiirkooda 
Gabogabadii waxaa xafladaasi soo afmeerey wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr maxamed c/laahi cumar , waxaanu u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxanu ardeyda jaamacada ee sanadka qalinjabineysa kula dardaarmey inay ka sheqeeyaan horumarka gobolka waxaanu yidhi “aad baan umahadsan tihiin dhamaatiin dadweynaha faraha badan ee isoo dhaweeyey runtii manta ujeedada safarkaygu waa indho-indhayn xaalada gobolka iyo inaan la kulamo dadweynaha qurbajoogta ah, halkan waxaa aad looga waramay masuuliyadii hore ee arimaha dibada, runtii waxay ahayd hawl qaran, hawshaasi meel wanaagsan ayaan dhigney, runtii magac wanaagsan ayaa inooga soo hoydey,maanta Somaliland iyo Somalia waa laba dal oo kala madaxbanaan, oo beesha caalamka ayaa ina kala saarteyba, xilkan cusub ee kale ee la ii magacaabay kama dhaco xilkii hore waayo waa maalgashiga caalamka,waxaa kujira ina dhalintaradii loo abuuro shaqo, waxaa ugu yar ee ina sugayaa waa 80 milyan ee itoobiyaanka ah inaan suuq u smayno oo alaabta ay u baahan yihiin aynu ka iibino”ayuu yidhi wasiir maxamed c/laahi cumar 
DSC00004 
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee maamulka heer Gobol iyo heer Degmoba ay ka muquurtaan soo dhaweynta wasiir maxamed c/laahi, arintani ayaa loo aanaynayaa in ay saamaysay loolanka ka dhexeeya Muuse biixi iyo Wasiirka maaliyada Sh.C/casiis Samaale iyada oo wararku sheegayaan Maamulka Gobolku Inuu la Saftay Wasiirka Maaliyada oo Waftigan Wasiirka Ganacsiga loo aanaynayo dhanka muuse Bixii.
DSC00019 

Salaanmedia/Hargaysa