Abaal Laawe: Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn Qormadii 3aad

cali_gurey_01Hargeysa(SM ): –  Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah Guddoomiye-Ku-Xigeenka 3-aad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa  Qormo Kooban Oo Ku  Baahiyey Bartiisa FACEBOOK  Ugu Magac Daray Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn. Qormada 3aad.

Qormadii 2aad  Iyo Qaabkii uu Madaxweyne Siilaanyo U Yimid Shirweynihii Afaraad ee SNM oo lagu Qabtay JigJiga.

 

Run ahaantii guusha SNM marka hore waxay ku xidhnayd dagaalka qoriga oo ka socday jiidaha hore waa nay iska ba yarayd inta ku xidhnayd hogaanka sare ee ururka iyo xataa inta badan xubnaha Gudida Fulinta iyo weliba Golahiisa Dhexe oo iyagu wakhtigooda ugu badan ku qaadan jiray inta ay jigjigi ugu bari yayso, marka laga reebo shakhsiyaad faro ku tiris ah. Jigjiga iyo wixii galbeed ka xiga waxa ugu muhiim san ee talisyada iyo colalka jiidaha hore kaga xidhnaa waxay ahayd taakulaynta ay ka heli jireen dhinaca Itoobiya toos na u hoos imanay say Taliska Guud ee Ciidanka talisyada qaybuhu na ay iyaga kala la xidhiidhi jireen. Waxa kale oo muhiim ahaa adeegyada dhinaca daawaynta siiba cisbatalka Herer oo lagu daawayn jiray inta ugu badan dhaawacyada culus iyo dugsiga tababarka ee Baabuli.

Arimahaas aynu soo sheegnay oo dhan wax kaga xidhana gudoomiyaha, gudida fulinta iyo golaha dhexe midna may jirin. Waxa uga muhiim sanaa xafiisyada maamulka oo ka dhexe uu ku yaalay Dire Dhaba laba kale na Jigjiga iyo Adiss Ababa. Gudida Fulinta waxa ugu muhiim sanaa Xoghayeha Maaliyadda oo lagu soo hagaajin jiray qaadhaanka qurbe joogu iska soo ururiyo oo yarayd marka loo eego baahida lakiin ahayd lacagta ugu badan ee soo gasha ururka, isaga ayaa na qaybin jiray. Xoghayaha Maaliyadda iyo ka Arimaha Ciidanka ayaa mar walba ahaa labada xil ee ugu muhiimsan ee uu magacaabo gudoomiyaha ururku.

Intaa marka aynu ka tagno waxa isagu na jirtay khilaafka gudaha oo joogto ahaa kana bilaabmi jiray halka uu ku dhamaado sida roobka na ka soo curan jiray galbeed iyo halka madaxda ururku ay joogaan. Mararka qaarkood khilaafku wuxu gaadhay jiray heerar khatar ah ila iyo heer uu curyaamiyo hawlaha dagaalka marka uu sidii webi soo karaarjabay soo gaadho jiidaha hore min Durya ilaa Balle Dhaye. Marka ay taasi jirtay waa la is waydiin karaa colka raacayada dambe ee masuuliyiinta ururka ah wax tarkooda iyo wax yeeladooda iyamaa badnaa?. Hadii sida jirtay ay wax yeeladoodu ka badnayd wax tarkooda siiba marka ay tahay hawlaha muhiimka ah ee dagaalka in madaxda ururku ay halkooda ku mahad sanadaan oo Jigjiga iyo Dire Dhaba iska fadhiyaan lakiin laga qulqulad la’aado uun khilaafka dhexdooda na aanay la soo dhaafin halkooda oo aanay soo gaadhsiinin jiidaha hore iyo mujaahidiinta dhexdooda.

ururka SNM tan iyo markii la asaasay waxa xilka gudoomiye-nimada iska bedelay tiro ba shan gudoomiye oo Axmed Silanyo uu ahaa kii ugu mudada dheeraa, mudada uu xilka hayay na aad uga badanayd marka la isku wada daro mudooyinka ay xilka hayeen afartii gudoomiye ee kale. Sidaa darteed hadii qof la odhanayo wuxu ahaa hogaamiyihii SNM wuxu noqon karaa uun Axmed Silanyo, inksta uu hogaaminayay halgan aanu rumays nayn in wax guul ah uu gaadhi karo. Marar dhawr ahayd oo uu wax ka iftiimiyay aragti diisa dhinaca guusha halganka wuxu odhan jiray, oo weli ba ku celcelin jiray waar: HADII AYNU KULIGEEN ISUGU WADA TAGNO HAL DISTRICT” DEGMO” OO KELIYA OO AYNU KU GORGORTANNO MA QABSAN KAYNAA?micnihii aynu Siyad Barre kula gorgortano si uu wax uun inoogu ogolaado.