Baaq Taageero Ah Oo Ku Socda Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Baaq Taageero Ah Oo Ku Socda Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuba

baaq tageero

Khamiis, Sept 19, 2013(SM)-Anaga oo ah dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan baaq taageero ah hawada u marinaynaa xildhibaan da,yar ee ibraahim mahdi buubaa oo ah afhayeenka xisbiga waddani ,xeer umada dhaqaale ahaan duminaya ee uu ka soo horjeestay ee dhawaan uu soo samaystay wasiirka wasaarada madaxtooyadu .

Xildhibaan ibraahim mahdi buubaa waa siyaasi da,yar oo firfircoon aqoonsana ujeedadii loo soo doortay oo ah inuu matalo umada soo dooratay kana hadlo baahiyahooda iyo wixii noloshooda khatar ku ah waxaan leenahay xildhibaan waad asiibtay hawshaa waanan kugu garabtaagan nahay waxayna ka turjumayeen rabitaanka shacabka somaliland waxayna noqotay arinta ugu hadal haynta badan maalmahan umaduna waxay kaga markhaati kacaysaa wax qabadkaasi .

Marlaab waxaan leenahay mabruuk ,hambalyo xildhibaan Ibraahim mahdi buuba afhayeen ka xisbiga mucaarid ka ah ee wadani

Dhalinyarada xisbiga mucaarid ka ee waddani

Allaa mahad leh.