82 Tahriibayaal Soomaali U Badan Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Laambaduusa Ee Dalka Talyaaniga

(SM-Lambadusa) – Ugu yaraan 82-qof ayaa ku dhintay tiro kale oo badanna way maqan yihiin ka dib markii doonni tahriib ahaan u sidday ay ku dagtay xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga maanta.

Doonidan oo ka baxday xeebaha dalka Liibiya ayaa waxay ku dagtay meel u dhow xeebaha Lambaduusa ee Koonfurta dalka Talyaaniga, iyadoo dadka ay sidday doonidan ay intooda badan ahaayeen Soomaali iyo Eritreriyaan sida ay sheegeen saraakiisha dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Magaalada Lambaduusa Giusy Nicolini ayaa sheegtay inay dhinteen 82 qof oo tahriibayaal ahaa, iyadoo sheegtay in tiro kalena ay ku maqan yihiin badda lana raadinayo maydadkooda “Waa arrin layaab leh, maydadku weli waxay ku soo caarinayaan xeebaha Lambaduusa” ayay u sheegtay Warbaahinta Haweenaydaasi, iyadda oo intaasi ku dartay in doonidan ay sidday tahriibayaal dhan 400 illaa 500 oo qof, iyadoo la badbaadiyay 150-qof oo ka mid ahaa dadkii doonnidaas la socday.

Salaanmedia/Hargaysa