“Al-Shabaab Dhibaato Ayey Ku Haysaa Dadka Iyo Dalkaba” Raysal Wasaaraha Somalia

(SMMuqdisho)  Raysal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa hay’adaha ammaanka ee dowladda Somalia ugu baaqay inay adkeeyaan ammaanka deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso.

 

“Inaan shacabkeenna ka ilaalinno kuwa dhibaateynaya waajib ayaa naga saaran, waxaan hay’adaha ammaanka ugu baaqayaa inay adkeeyaan guud ahaan ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso,” ayuu yidhi Raysal wasaaruhu

“Al-shabaab dhibaato ayay dadka iyo dalka ku haysaa, waa inaydaan soo dhaweyn oo aydaan  karaameyn, waayo iyaguba wax karaamo ah shacabka uma hayaan,” ayuu mudane Saacid hadalkiisa ku daray.

Salaanmedia/Mogdisho