Dowlada Norway Oo Sheegtay In Weerarkii Westi Get Mall Uu Ka Qayb Galay Wiil Dhalashada Norway Haysta Asal Ahaana Kasoo Jeeda Somaliya

Oct 12,2013(SM) Dowlada dalka Norway ayaa sheegtay in weerarkii ay dhowaan ururka Alshabaab ku qaadeen suuq ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya uu ka mid ahaa ruux dhalashada dalka Norway haysta laakiin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya Hay’ada sirdoonka dalkaas ayaa sheegtay inay heleen warar sheegaya inuu ka mid ahaa ragii weerarka ka gaystay suuqa westgate wiil Soomaali ah oo dhalashada dalkaas haysta.
Hay’ada Sirdoonka dalkaas ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano BSG ayaa shaacisay in xog ah hayaan ay muujinayso in weerarkii lagu qaaday Suuqda Westgate uu ku lug lahaa wiil Soomaali ah laakiin dhalashada iyo Baasboorka dalkaas haysta, islamarkaana uu dhowaan kasoo tegey dalka Norway.


Saraakiil ka tirsan Hay’ada Sirdoonka Dalka Norway ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxayna ka mid yihiin Khubarada Baaraysa sidii uu u dhacay weerarkii Westgate oo ay dhowaan weerareen ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab waxayna saraakiishani sheegeen inay Kenya u yimaadeen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen ruuxan haysta dhalashada dalkaas ee ka qayb ahaa weerarkii Westgate mall.
Hay’ada Sirdoonka dalka Norway maysan sheegin magaca ruuxa Soomaaliga ah ee dhalashada dalkaas haysta Hay’ada Sirdoonka dalkaas ayaan sidoo kale shaacin inuu geeryooday wiilka Soomaaliga ah ama uu ka baxsaday dagaalkii ka dhacay suuqa Westi Get.

Salaanmedia/Hargaysa