Maxaa Kala Heysta Caawa Barcelona v Real Madrid, Messi v CR7, Neymar v Bale (El Clasico) Akhriso Hordhaca Labada Koox.

Oct 26, 2013 –

b vs r

Markii ugu danbeysay ee Barcelona iyo Real Madrid kulmaan waxa ay aheyd bilowgii bishii March markaasoo Los Blancos ay 2-1 ku badisay iyagoo uga mahadcelineysa goolal ay u kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Sergio Ramos. Labada kooxood ayaa haatan heysta macalimiin cusub, wajiyo cusub, waqtigaana horyaalka waxa uu yahay mid furan.

Gerard Martino ayaa u muuqda mid kaliya hal go’aan oo weyn ka gaaraya line-upkiisa. Javier Mascherano ayaa ka soo laabtay dhaawac kulankii AC Milan waxaana uu u muuqday mid qalqal badan. Kabtan Carles Puyol ma uusan ciyaarin kulankii Italy ka dhacay ka dib markii uu ku soo bilowday kulankii Osasuna ee isbuucii hore. Martino ma waxa uu dooran doonaa Puyol mise waxa uu ku adkeysan doonaa Mascherano oo uu dooqa koowaad u adeegsanayay xilli ciyaareedkan oo dhan? Waxaana saansaanta ay u muuqataa in Puyol uu dooran doono.

Dhanka kale, Carlo Ancelotti ayay isna tahay inuu go’aan weyn ka gaaro garabka midig ee weerarka. Angel di Maria ayaan sameynin wax aan ka aheyn inuu u qalmo booskiisaas laakiin xiddiga lacagta badan laga soo bixiyay Gareth Bale ayaa taam ahaansho buuxda soo helay. Los Blancos ayaana Bale u soo iibsatay inuu ku soo bilowdo kulamada, haddii uu diyaar yahay waxa uu booska kala bixi doona Di Maria.

Waxaa sidoo kale su’aal ka taagan tahay haddii lagu soo bilaabayo Isco ama Luka Modric khadka dhexe inkastoo Ancelotti uu inta badan kulamada horyaalka ku soo bilaabo Isco halka Modric uu ciyaaro kulamada Champions League.

Haddii Bale uu ku soo bilowdo ama uu ciyaaro waxa uu u noqon doontaa kulankiisii ugu horeysay ee Clasico, laakiin isaga kaliya kuma keli ahaan doono dhadhanka koowaad ee xafiiltankaan aadka u sareeya. Saxiixii weynaa ee xagaaga ee Barcelona Neymar ayaa isna ciyaari doona kulankiisii ugu horeysay ee El Clasico, halka Isco iyo Asier Illarramendi ay wajihi doonaan Barca markii ugu horeysay iyagoo xiran maaliyada cadaanka ah ee Madrid.

Dhaawacyada Barcelona:

Waxaa Maqan: Jordi Alba (Bowdada). Waxaa Shaki ku jiraa: Gerard Pique (Muruqa lugta).

Dhaawacyada Real Madrid:

 

Waxaa Maqan: Xabi Alonso (cagta).

Dhanka Barcelona waxaa shaki ku jiraa inuu ciyaari karo Gerard Pique kaasoo dhaawac muruqa ah uu soo gaaray. Ilaa iyo inuu ku sii dhaawacmo iskululeynta mooyeen waa adag tahay in la arko isagoo aan ku soo bilaabaneynin kulanka caawa. Jordi Alba ayaa weli dhaawac ku maqan. Xabi Alonso ayaa isna weli ka soo kabsanaya qaliin looga sameeyay cagta laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa heysta koox taam ah.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona: Victor Valdés, Dani Alves, Gerard Piqué, Carles Puyol, Adriano, Sergio Busqets, Xavi Hernández, Andrés Iniesta, Pedro Rodríguez, Neymar, Lionel Messi.

Real Madrid: Diego Lopéz, Álvaro Arbeloa, Pepe, Sergio Ramos, Marcelo, Sami Khedira, Asier Illarramendi, Isco, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Kulanka: Barcelona v Real Madrid

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 7pm SGA (Saacada Geeska Afrika)