Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Ururka Qareenada Somaliland Oo Canbaareeyey Eedii Cali Warancade Ujeediyay Garsoorka

QareenOct 29,2013 Hargaysa (SM) Guddoomiyaha Ururka qareenadda Somaliland Solla Foosi Sh Yoonis Xasan ayaa soo saaray baaq uu ku canbaaraynayo eedii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ujeediyay Hay’adda Garsoorka.
qareeBaaqa Ururka Solla ayaa u dhignaa sidan:-
Baaqa canbaarayn ah oo la xidhiidh eedii hay’ada garsoorka uu u jeediyey wasiirka arimaha guduhu.
Tixraac shirka-jara’id ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku qabtay xafiiskiisa 27/10/13, isagoo eedo iyo cambaarayn dusha ka saaray Haya’dda Dastuuriga ah ee “Garsoorka”[1], taas oo noola muuqatay in uu Wasiirku ka sokow eeda Haaya’da Garsoorka uu taabtay arrimo taabanaya xirfadda iyo shaqada aanu qaran ka u hayno ka urur garyaqaan ahaan. Maadama uu ururkani yahay ururka qareenadda somaliland, oo ah urur ay ku bahoobeen sharci-yaqaanada wadanku, qaybna ka ah toosinta cadaaladda, haddaba waxaanu u aragnay farriinta wasiirka, sidan soo socota:
1. Wasiirku waxa hoos yimaada haaya’do dhowra oo ay ka mid yihiin kuwa amniga qaabilsan, kuwaas oo dad fara badan u soo qabta eedeymo lagu eedeynayo falal, taas oo ay maxkamaduhu ka garsooraan iyadoo qareenadu yihiin kana soo jeedaan dhinaca difaaca,waxa jirta markaas in dacwadaha noocan oo kale ah ay saameyn ku yeelan jireen masuuliyiintu, haseyeeshee taasi imika aad moodo in ay wax iska bedeleen sida la arko, kana muuqata hadalka wasiirka waayo? Wasiirku wuxuu tilmaamay in aanu yeelayn in la sameeyo siideyn, taas oo haddii lacag laga qaaday qofka la sii daayey oo ay jirto, wasiirku warkaas ay ahayd in uu uga war-bixiyo cidda ay khuseyso oo ah Gudidda cadaaladda oo ay Fullintu ku leedahay xubno muhiim ah, gudidan waxa ay tahay mid qaabilsan anshax marinta garsooreyaasha, Wasiirku muu tilmaamin ashkhaas gaar ah oo ku talaabsaday fal musuq-maasuq, balse wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay oo uu karaamadda ka qaaday waax dastuuri ah, iyadoo aanay haboonayn in war-baahinta la mariyo arrin kan oo kale iyo in loo sheego habkan oo kale waa midna, waxayna muujineysaa in uu wasiirku sameeyey laba arrimood, waa ta hore, in uu wasiirku ogaaday dambi dhacay, kana baaqsaday in uu war-geliyo hayadaha ku shaqada leh, tani waa mid dambi ah oo sharcigu in farayo in qofku ku muteysanayo ciqaaab. Ta labaad waxa ay tahay waa in lagu baaqo, in waax ka mid waaxaha qaranka la diido shaqadeedii in ay qabsato, iyadoo taas lagu sababeynayo, in uu jiro fal-dambi oo aan hab sharci ah loo mareynin sheegistiisa iyo maamulistiisa, waxa ay noqoneysaa in lagu baaqayo la diido in amaradda uu soo saaro garoorku loo hogaansamo wixii la doono ha lagu sababeeye, waana bisayl la’aan siyaasadeed oo haysata wasiirka.
2. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in aanu aqbaleynin siideyn[2]. Siideyntuna waa mid ku xidhan garsoor la horkeeno shakhsiga la eedeynayo,dacwadaas oo marta marxalado kale duwan oo garsoor oo midba ta kale dib u eegto. Siideyntuna,waa mid ku xidhan,hayadaha garsoorka, in wax lagu helo iyo in lagu waayo shakhsigaas? Shaqadanina waa mid uu dastuurku siiyey kaligeed,Sida uu tilaamay dastuurka Qaranka Qodobkiisa 97(1) “Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.” Haddaba,in uu wasiirku yeeli meyno oo aqbali meyno yidhaahdaa waxa ay tahay mid ka soo horjeedda dabeecadda shaqo ee garsoor,waxbana kama tareyso in uu garsoorku hagaago,waxanay meesha ka saareysaa madax banaanidda garsoor ee uu siiyey dastuurka sida ku dhigan Qodobka 97 “Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.”
3. Waxa kale oo wasiirku uu tilmaamay in uu waalidka dhalay shakhsiga dambiga galay ay ku bedeli doonaan dembiilaha, taasina waa mid ka soo horjeedda oo khilaafsan qaabka uu jideeyey Dastuurku oo ah sida ku dhigan Qodobka 26(2)“Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.”Haddii uu Dastuurku tilaamay in uu ku kooban yahay dambigu cidda geysatay oo qudha, balse hadalka wasiirku wuxuu tilmaamayaa badheedh iyo ixtiraam la’aan dastuur, waana arin aan laga indho qarsan karin oo dhaawacaysa xuquuqdii aasaasiga ahayd ee bulshada, isagoo ka indho qarsanaya waajib gudasho la’aanta hayadaha amniga ee ay ahayd in ay soo qabtaan oo sharciga horkeenaan ciddii fal-dambiyeed geysata, halka ay hadda ka caadeysteen in boolisku soo qabtaan ciddii dambiga geysatay ciddaan ahayn, taas oo ay macnaheedu yahay in hayadaha amingu ku guul-dareysteen in ay shaqadoodii u qabsadaan si sharci ah.
4. Waxa kale oo jirta in wasiirku tilmaamay aniguna waxaanu qaadi doonaa talaabo adag..” tani ma aha mid aynu qaadan karno in wasiir yidhaahdo garsoorkiiba shaqadiisii xumeeyey oo anaa talaabo qaadanaya, waxa ay noqoneysaa in qaranka waaxyihiisii 3-da ahaa mid leedahay ta kale shaqadeedii ayay qabsan weyday oo aniga qabanaya, in waaxda fullintu qabato shaqooyinka kale ee garsorka & xeer-dejin waa mid aan banaaneyn, oo ka soo horjeeda Dastuurka Dalka JSL, oo cadeeyay in 3-da Waaxood midba ta kale ka madax baanaan tahay kana shaqo duwan tahay, arrintaasina waa mid meesha ka saaraya dimuqraadiyadii, xuquuqdii dadka iyo dheeli-tirkii awoodaha ee dastuurku jideeyey.
5. Waxa jirtay in Madaxweynaha JSL uu khudbadihiisa inta badan ku sheegay mudadii uu xilka hayey iney garsoorka wax badan ka qabteen oo ay hagaajiyeen, hadaba waxa is weydiin mudan ma sheegashadaasi hore ee madaxweynaha ayaanay waxba ka jirin oo been ahayd, maadama aanay ilaa hadda aaney jirin in madaxweynaha ama cid kale oo golahiisa wasiirada ah oo gefkaasi raali gelin ka siiya guud ahaan Umadda Somaliland iyo Waaxda Garsoorka midna, arintaasi oo u muuqata in hadalkan wasiirku yahay siyaasada ay hadda xukuumadu talada haysaa maagan tahay.
6. Mar haddii, aanay farrintani ahayn mid xambaarsan tilmaan iyo toosin, waxa kaliya ee ay ina tuseysaa waa laba midkood, in wasiirku uu warbaahinta u marineyo Garsoorka tahdiid si uu u helo garsoor u dhega-nugul, oo ay taasi u culeys iyo ajburaad ku abuuro xukaamta si uu markaasin sida uu rabo loogu shaqeeyo dacwadaha ciqaabta ah ee booliska iyo hayadaha amnigu keensadaan, uga helo go’aan waaxda fulinta siyaasadeeda u dan ah, isagoo uu qiil u raadinaya Gudidii nabad-gelyada ee la mamnuucay in dib loo soo celiyo, guddidaasi oo ahaa qayrul dastuuri isla, waxayna muujinaysaa in nidaamka Kulmiye wixii ay shalay ku canbaaraynayeen nidaamkii UDUB (oo ah guddida nabad-gelyada) ay maanta dib ugu baahdeen.

Gabogabadii:
1. Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) wuxuu canbaaraynayaa sharci darona uu u arkaa ceebayntii wasiirku kula dul kufay Waaxda Garsoorka Qaranka JSL.
2. Waxaanu ugu baaqaynaa Wasiirka inuu ixtiraamo sharciga iyo karaamada haaya’daha Dastuuriga ah ee Qaranka JSL.
3. Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa inuu Wasiirku gefkaasi uu warbaahinta u mariyey uu xaal ka siiyo Umadda Somaliland & waaxda Garsoorka JSL.
4. Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in la dhowro lana-ixtiraamo madax-banaanida iyo dhowrsanaanta Waaxda Garsoorka ee Dastuuriga ah.
5. In kor loo qaado wada shaqeynta, isku xidhnaanta hayadaha iyo waaxaha qaranka, si meesha looga saaro in media la isku mariyo hadaladan oo kale.
6. In kor loo qaado tayada, aqoon iyo xirfada Hayadaha Baadhista Dembiyada oo iyagu inta badan ku guul-daraysta iney sameeyaan baadhis hufan oo caddaaladeed.

Wadda shaqayn wacan
Garyaqaan Fawsi Sh.Yonis Xasan
Guddoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA)




Leave a Reply