Xildhibaan Ka Tirsan GDeegaanka Burco Oo kulan La Yeeshay Maayarrada Magaalooyin UK ah

Xildhibaan Ka Tirsan GDeegaanka Burco Oo kulan La Yeeshay Maayarrada Magaalooyin UK ah

October 2nd, 2013

xildhibaan Bidhi

London(SM)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha Deegaanka Burco, ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Magaalooyin kala duwan oo ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska xubno ka mid ah Madaxda Dawladdaha hoose Magaalooyinka Birmingham, Cardiff iyo Degmooyinka kale oo uu booqasho la xidhiidha sidii loo mideyn lahaa Dawladah Hoose ee Dalka Uk iyo Somaliland, aqoon iyo waayo aragnimona uga faa’idaysan lahaayeen uu ku joogo.

Xildhibaan Bidhi oo ka mid ah Xildhibaanada ugu Miisaanka badan Golaha Deegaan Magaalada Burco, ayaa kulamada uu halkaasi kula yeeshay madaxda Dawladda hoose ee Ingiriiska nuxurkooddu ahaa siddii agab iyo aqoon weyn loogu raadin lahaa heerka shaqo iyo nidaamka casrigga ah ee dowladaha hoose uga shaqeeyaan wadamadda hore u maray ee dalkan Ingiriisku ka mid yahay, taasoo uu horumar fiican ka gaadhay.
“Waxaan u guntiga u xidhnay sidii u mataanayno dowladaha hoose ee Somaliland iyo kuwa wadankani oo si habsamiya isagga kaashan doonna nidaamka waxqabad iyo siyaasadda horumarineed ee lagu tayeynaayo adeegyadda kala duwan ee Dowladda hoose ay u qabato shacabkeedda, si loogu daydo, isla markaasina loo dardargeliyo tayadda iyo nidaamka shaqo ee dowladaheenna hoose oo istaraajiyad iyo horumar bilan u baahan, si loo qaabeeyo magaalooyinkeenna oo bilicdooddu wax badan u baahantahay, una baahan ku dayasho iyo aqoon weyn oo caalamiya u baahan si halka ay joogaan kuwa Caalamku aan u gaadhno” ayuu yidhi Xildhibaan Bidhi oo socdalkiisa ka waramay.

Xildhibaanada uu la kulmay ee Magaalooyinka Ingiriika waxa ka mid ah Xildhibaan Ziaul Islam oo laga soo doorto Xaafadda Aston ee Magaalada labaad ee waddankaasi, Xildhibaan Cali Ahmed oo laga soo doorto Dowladda hoose ee Magaaladda Cardiff.

Kaasoo doorashadiisa door weyn ka qaateen rag aqoon yahan reer Somaliland ah, kana mid yahay Cabdiraxman Axmed Doodi oo nin aad u firfircoon iyo rag kale ka mid yahay cabdibaasid Xasan iyo ibraahin Xarbi oo ka tirsan ururka SIS oo qiimayntoodda iyo dadaalkooddu aad u culusyahay oo jecel in la hor mariyo dowladdaha hoose ee dalkii hooyo, gaar ahaan labada goole degaan ahaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Bidhi wuxuu la kulmay Duqa Degmadda Eilling ee Magaalada London Xildhibaan mr Kmaljit Dhinsa, kulankan oo gogol xaadhkiisa ay layaaheen muwaadiniin reer Somaliland oo uu ka mid yahay Ganacsade Xuseen sheikh isaaqiya iyo xubno kale.
Labada xubnood ayaa ka wada hadlay arimo ku taxaluqa Iskaashi dhex mara Dawlada hoose ee Magaaladaasi iyo dawladdaha hoose ee Somaliland, gaar ahaan Burco, taasoo ay isfaham ka gaadheen.

Xildhibaanka oo sidoo kale intii uu joogay Cariga ingiriiska la kulmay Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi, ayaa wali sii wada hawlaha uu halkaasi u joogo, waxaana la filayaa inuu guulo faro badan ka soo hooyo dedaalka uu ugu jiro horumarin u raadinta Dalkiisa, gaar ahaan Magaaalada Masuulka ka yahay.

Salaanmedia/London