Borama: Xildhibaan Ugu Baaqay Xukuumada Axmed Silaanyo Inay Wax Ka Qabato Colaada Ka Taagan Deegaanka Cabdiqaadir.

 

Sunday, November 17th, 2013
news

Borama: Xildhibaan Ugu Baaqay Xukuumada Axmed Silaanyo Inay Wax Ka Qabato Colaada Ka Taagan Deegaanka Cabdiqaadir.

Nov 17,2013 Borama(SM) – Xildhibaan Sh. Ibraahim Axmed Liibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa ka dayriyay xaalada sii cakirmaysa ee degaanka Cabdiqaadir ee degmada Saylac oo ay ka aloosan tahay isku dhac beelaysan oo ku salaysan dhul beereed degaankaasi ku yaala, waxana uu xukuumada ugu baaqay inay degaankaasi u gurmato oo ay nabada sii fogaanaysa baadigoob u gasho.

Xil. Sheekh Ibraahim waxa uu ka waramay xaalada degaankaasi waxana uu yidhi “Waxa hubaal ah in nabadii degaankaasi ay maalinba maalinta ka dambaysa sii fogaanayso, dhibtuna waxa aka taagan tahay dhul beereed degaanka Darbi-xoore ee degmada Saylac ku yaala oo muran la galiyay, isla markaana dab la sudhay oo xiisad laga abuuray, waxa aan sheegi karaa in xiisadu cakirantahay oo ay mar walba xabadu tahay mid si fudud u dhici karta oo khasaare wayn sababi karta”

Xildhibaan Sheekh Ibraahim waxa uu xukuumada ugu baaqay in ay degaankaasi u gurmato waxana uu yidhi “Waxa aan dhaliilayaa in mudada intan dhan ay xukuumadu ka cagojiido u gurmadka degaankaasi ee beelahu isku hor fadhiyaan, waxa aan leeyahay waxa waajib ah in loo gurmado oo nabada la baadi goobo oo dadka degaankasi isku hor fadhiya la kalagaaadho”

Xildhibaan Sh. Ibraahim waxa uu ugu baaqay beelaha degaankaasi isku hor fadhiya inay hubka dhulka dhigaan oo geedka hoostiisa isugu yimaadaan isla markaana ka arinsadaan sidii khilaafka loo soo afjari lahaa nabada iyo wada noolaashahana looga shaqayn lahaa.

Salaanmedia/Boorama