Fadeexada Dowlada Federaalka ka heysata Bangiga Dhexe & Musuq Maasuqa Baahsan(Warbixin)

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah hay’ada loogu talo galay kala maareynta dhaqaalaha dowlada Soomaaliya ayaa noqday fadeexadii ugu weynayd ee soo wajahda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay aqoonsi caalami ah heshay.

Sanadkan 2013 Bangiga dhexe ayaa yeeshay Labo guddoomiye dhexe taasi oo muujineysa fadeexada ka dhex taagan Bangiga Dhexe iyo waliba musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira dowlada Soomaaliya oo xiligan olole caalami ah ugu jirta sidii ay ku heli lahayd dhaqaale dib loogu dhiso dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horaantii sanadkan 2013, wuxuu xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe u magacaabay Cabdisalaam Cumar oo jegadaasi sii hayey illaa bishii September. Balse Guddoomiyahaasi ayaa xilka laga bedalay kadib markii ay soo baxday fadeexadii ay kashifeen Guddiga Kormeerka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay oo qoraal ay soo saareen uga hadlay musuq maasuqa baahsan ee ka jira bangiga dhexe oo ah hay’adii deeqda caalamiga ah loo marinayey dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa fadeexadii lagu xusay Qoraalkii Guddiga Qaramada Midoobay iska difaacday iyadoo weliba dhaqaale ku bixisay labo hay’adood oo Qareemo ah mid kamid ahna lagu magacaabo Shulman Rogers, shirkadaasi Qareenada oo qandaraas Dowlada Federaalka ku siisay iska-difaacida fadeexadii ay kusoo oogeen guddiga Qaramada Midoobay.

Shulman Rogers

Shulman Rogers waa shirkad Qareemo oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka shirkadan ayey sanadkii 1972dii aasaaseen Qareeno u badan yuhuud oo ku takhasusay dhanka sharciga, waxayna shirkadan xooga saartaa dhanka arrimaha la xariira dhaqaalaha, arrimaha la xariira canshuurta iyo waliba heshiisyada shirkadaha iyo kuwa caalamiga ah.

Shirkadan ayaa qoraal ay soo saartay ku difaacday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyadoo si toos ah u sheegtay inaysan jirin wax musuq maasuq ah oo ka dhex jira dowlada Soomaaliya.

Cabdisalam Cumar

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh ayaa isla markiiba ku dhawaaqay inuu dib u habeyn ku sameyn doono hay’adaha dhaqaalaha ee dowlada Soomaaliya, arrintaasi oo soo dadajisay inuu xilka iska casilo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Cabdisalaam Cumar oo sheegay inuu xilka isaga tagay intaan la casilin.

Yussur Abrar

Bartamihii bishii September 2013, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe oo loo magacaabay Marwo Yussur Abraar oo ah haweenay khibrad u leh dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga, isla markaana hay’ado caalami ah u soo shaqeysay.

Tilaabadan ayey Beesha Caalamka si weyn usoo dhaweysay maadaama ay ahayd markii ugu horeysay oo xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe loo magacaabo qof dumar ah taariikhda Soomaalida.

Balse Yussur Abrar ayaa bishii Oktober dhamaadkeedii shaacisay inay isaga tagtay xilkii loo dhiibay muddo ka yar 7 asbuuc ama labo bil markii ay tagtay Muqdisho, arrintaani oo sare usii qaaday fadeexadii Musuq maasuqa ee dowlada horey loogu eedeeyey.

Iscasilaadii Yussur Abrar

Yussur Abrar ayaa 30kii bishii lasoo dhaafay ee Oktober u dirtay warqadeeda iscasilaada Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamud, kadib markii ay timid magaalada Dubai, waxaana la sheegay in Yussur Abrar ay nafteeda ugala soo baxsatay magaalada Muqdisho, sida ay qortay Jariirada caalamiga ah ee Financial Times.

Yussur Abrar ayaa iscasilaadeeda ku sheegtay mid salka ku heysa markii ay u adkeysan wayday musuq maasuqa ka dhex jira dowlada Soomaaliya.

Qoraalka Yussur Abrar ay u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay heshay jariirada Financial Times ayaa lagu sheegay in Yussur Abrar ay diiday inay saxiixdo heshiisyo Khatar gelin karay ama lagu doonayey in lagula Wareego Dhaqaalihii iyo Hantidii Qaranka Soomaaliya ee caalamka xanibay kadib burbrukii Qaranka Soomaaliya.

Yussur Abrar ayaa sidoo kale diiday inay saxiixdo heshiiskii Shirkada Shulman Rogers oo dowlada Soomaaliya u saxiixday inay ka shaqeyso sidii dowlada loogu soo wareejin lahaa Hantidii iyo Dhaqaalihii Qaranka Soomaaliya ee la xanibay, shirkadan oo ah midi Dowlada u shaqenaysay ka hortagida warbixintii UN-ka ayaa u muuqata inay si gaar ah heshiis kula gashay Madaxda dowlada Soomaaliya, heshiiskaasi oo aan loo bandhigin Baarlamanaka ama shacabka Soomaaliyeed.

Walaaca Deeq Bixiyayaasha

Wadamada Deeq bixiyayaasha ayaa hada baadi goobaya xiriirka Yussur Abrar oo hada kasoo baxday Muqdisho, isla markaana la sheegay inay ku sugan tahay goob aan la shaacin.

Cabsida Yussur Abrar kusoo aragtay Muqdisho iyo dowlada dhexedeeda ayaa ah mid si weyn walaac ugu beertay wadamada Deeqda Siiya Soomaaliya, oo hada sheegay inay eegayaan qoraalka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee xilka iska casilay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili isla bishii la magacaabay Yussur Abrar ee September 2013, dowlada Soomaaliya loo balan qaaday dhaqaale gaaraya 2.5 bilyan oo dollar oo dalka dib loogu dhiso, dhaqaalahaasi ayaa hada la aqoon in lagu aamini doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya oo mas’uulkii ay u xilsaartay dib u habeynta hay’ada ugu sareysa ee dhaqaalaha Soomaaliya ay nafteeda kala soo baxsato caasimada Soomaaliya.

Tilaabo Geesinimo!

Yussur_AbrarYussur Abrar ayaa ku dhaqaaqday Tilaabo geesinimoleh oo sumcad weyn usoo jiidaysa Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo weliba sheegtay in damiirkeeda siinwaayey inay kasii shaqeyso meel musuq maasuqa ka jira uu ka awood badan yahay xilka lagu magacaabay.

Tilaabada ay qaaday Yussur Abrar ayaa sidoo kale tusaale uu ah hogaamiyayaasha Soomaalida oo aan iyagu lagu aqoon inay xilka iska casilaan markii ay lasoo gudboonaadaan arrimahan oo kale, balse inta badan dhex dabaasha fadeexadaha musuq maasuqa iyagoo aan ka fekerin xilka ay Qaranka u hayaan.

W/Q Hussein Farah