Fernando Torres Oo La Xaqiijiyay Inuusan Ka Qayb Qaadan Doonin Kulanka Chelsea Vs Schalke…

66403540_fernando_torres_getty

Weeraryahanka kooxda Chelsea Fernando Torres ayaa la xaqiijiyay inuusan kooxdiisa u safan doonin kulanka ay garoonka Stamford Bridge ku qaabili doonto naadiga Schalke 04, xidigan ayaa jug soo gaartay asigoo sameynaayo tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Blues wuxuuna macalin Jose Mourinho saxaafada u sheegay in Torres uusan kulanka Schalke diyaar u ahayn madaama uu muruqa dhaawac ka qabo muruqa hoose sidaa darteed booska Torres waxaa loolan ugu jiraan ina galaan xidigaha kala ah Samuel Eto’o iyo Demba Ba midkood ayuuna Mourinho kusoo bilaabi doonaan kulanka Schalke.

Macalin Mourinho oo ka hadlaayo maqnaan shaha Torres wuxuu yiri “waan ka xumahay Fernando dhaawac ayaa kasoo gaaray muruqa mana u cayaari doono Chelsea labada kulan ee ugu soo horeyso” sidoo kale macalin Mourinho ayaa saxaafada u sheegay in xidigiisa dhalinta yar Ryan Bertrand isna kulanka Schalke soo xaadiri doonin madaama uu dhaawac qabo sidaa darteed labo cayaaryahan oo muhiim ah ayaa Blues kulankan ka maqnaan doonaan waxayna Chelsea u baahan tahay guul si ay ugu sii hawaato inay usoo baxdo wareega 16-aad ee koobka horyaalada Yurub.