Jacka Ltd oo ka hadashay natiijada sahamintooda Oodweyne iyo warbixin shirkadii hakisay sahaminta ee Genel u sheegtay oo xukuumada u dhexeysa Read more: Jacka Ltd oo ka hadashay natiijada sahamintooda Oodweyne iyo warbixin shirkadii hakisay sahaminta ee Genel u sheegtay oo xukuumada….

image

Hargeysa 04 Nov, 2013 (SM)- Shirkada Sahaminta shidaalka Jack Resources Limited ayaa xaqiijisay inay rajo fiican oo helitaan shidaal lagu arkay turjumida sahamin cir iyo dhul ay ku sameeyeen Block Oodweyne, isla markaana jirto wada shaqeyn u socota xukuumada Somaliland iyo shirkadii Genel Energy ee hakisay baadhitaanadoodii Somaliland. Warbixin shirkada Jacka soo saartay shalay ayaa lagu sheegay inay dhameeyeen turjumida sahamin dhinaca circa iyo dhulka kaga sameeyeen masaafo gaadhaysa 44 kun kilo mitir ee deegaamada ay sahaminta shidaalka ka wadeen, rajo wanaagsan oo helitaan shidaal-na tilmaamayso. “Turjumida lagu sameeyey sahamintii circa iyo dhulka ee Oodweyne Block waxay muujinayaan rajo fiican oo helitaan shidaal.” Shirkada Jacka Ltd.

Oo ka hadlaysay bixitaankii shirkada Genel Energy iyo wada xaajood u socda Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay. “Shirkada Genel Energy oo sahamin ka waday deegaamo Somaliland ah waxay noo sheegtay inay arrimo amaan u hakiyeen baadhistooda, wakhtigana ka wada shaqeynayaan xukuumada Somaliland sidii loo xaqiijin lahaa in xaalada amaan sugan tahay.”

Warbixinta Jacka Ltd ayaa lagu sheegay inay heshiis wadaag ah ku wada jireen shirkadii sahaminta hakisay ee Genel Energy, iyo go’aankooda hadii aanay soo noqon. “Sida heshiiskii wadaaga aan kula jirnay shirkada Genel Energy oo hakisay samahintoodii dhigayo, hadii aanay soo noqon Genel, waxaan dusha u ridanaynaa dhamaan dhaqaalaha ku baxaya dhamaystirka sahaminta aanu wadno oo dhamaanaya bisha May 2014.

Waan u diyaargarownay,” Shirkada Jacka Resources Ltd ayaa heshiis wadaag la gashay shirkada Petrosoma sannadkii hore oo heshiis wada qeybsiga wax-soo-saar kula jiirta xukuumada Somaliland Read more: Jacka Ltd oo ka hadashay natiijada sahamintooda Oodweyne iyo warbixin shirkadii hakisay sahaminta ee Genel u sheegtay oo xukuumada u dhexeysa.

 

Salaanmedia/Hargaysa.

Ogaalnews