Maalinta Carruurta Adduunka oo laga Xusay MagaaladaOog ee Gobolka Saraar (Sawiro)

Maalinta Carruurta Adduunka oo laga Xusay Magaalada Oog ee Gobolka Saraar (Sawiro)

newslogo2

Xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal carruur ah ayaa ka dhacday xarunta haweenka ee magaalaada Oog ,iyadoo carruurta ay ku labisnaayeen dareesyo kale duwan, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad aan la soo koobi karin

 

Waxaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadda agaasimaha guud ee wasaaaradda Wasiirka haweenka iyo hormarinta bulshada Somalilandoo sheegay in wasaaradda haweenka ay u taagan tahay wax u qabashada iyo u doodida carruurta yar-yar,iyadoo barnaamijkan ay iska gaashadeen wasaaradda haweenka iyo hormarinta bulshada iyo hay’adda Save The Children

Waxaa sidoo k kale xafladda ka hadashay Marwo Faadumo M Jamac oo ah agaasimaha hormarinta carruurta ee wasaaaradda haweenka iyo hormarinta bulshada Somaliland oo sheegtay in ay jiraan carruur dayacan oo u nugul khataraha sida in Xado, Tahriibka ,waxbarasho la’aan iyo in la dilo waxaana loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi laga hortago si carruurta ay uga bad baadaan arrimahaasi.

 

Waxaa geba-gebadii munaasabadda ka hadlay oo soo xiray maayarka degmada Oog iyo ku xigeenkiisa waxa ay labaduba sheegeen in carruurta u baahan yihiin daryeel joogta ah,sida aysan khataraha horey loo sheegay ugu dhicin

 

Wasaaradda hormarinta bulshada ayaa ah wasaarad inta badan ka shaqeysa arrimaha qoyska,haweenka iyo carruurta,iyadoona barnaamijyo wacyi galin ah u sameysa inta badan.

Farah J Muse
Oog Gob Saraar