Madaxwaynaha Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Ibraahim Guunje

(SM-Hargeysa) – Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay MARXUUM AXMED IBRAAHIM GUUNJE.

Madaxweynuhu wuxuu MARXUUMKA ku tilmaamay oday door muhiima ka soo qaatay nabadgelyada dalka, dhismaha dhaqaalaha, iyo ka qarankaba, sidoo kalena waxa uu marxuumku maayar ka noqday caasimada Hargeysa lixdameeyadii isaga oo ahaa maayarkii ugu horeeyey si xora loo soo doortay isla markaana salka u dhigay caasimada hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu  MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Â