Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka U Kicitimay Magaalada Berbera

th

Nov 15,2013 Hargeysa(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) Ayaa Saaka u Kicitimay Magaalada Berbera ee Gobolka Saxiil, u jeeda Socdaalkiisa ayaa Waxa lagu sheegay in ay tahay in uu Shir kula yeelanayo Madax iyo Saraakiil ka Socda Dawlada Ingiiriiska oo Fuushan Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Dalka ee Ingiriiska,

iyada oo isla maanta madaxweynuhu Qaado ku dul leeyahayMarkabkaasi dagaal oo muddo 2Todobaad aha Tagnaa Duleedka Dekeda Berbera, Waftigan ayaa waxa saaka Magalalda Hargeysa ka qaaday Diyaarad khaas ah oo Dalwada ingiirku u soo dirtay iyada oo madaxweynaha safarkaasi ku wahelinayee Taliyaasha ciidamada Qaranka, Booliska, Asluubta, Iyo Taliyaha Ciidanka Badda.

Dhanka kale wararka naga soo gaadhay ayaa sheegay in iyana tababar lo soo xidhayo Qaarka mid ah Ciidamada badda ee Somaliland oo ay Muddo Labba Todobaad in ka badan ay Tababarayeen Ciidamadaasi kuwaasi oo lagu tababaray markabka dushiisa. Markabkan ayaa la sheegay in uu ka Mid yahay Markabada Dagaalka ee Ilaaliyaha Badda Cas.

Salaanmedia/ Hargeysa Office
 Waaheen