Mareykanka oo Liiska Argagagixisada ku daray Ururka Boko Haram ee dalka Nigeria

newslogo2

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in liiska waxa loogu yeedho Argagixisada ay ku dartay Ururka Boko Haram ee ka dagaalama dalka Nigeria iyo ururka Ansaru Diin, kuwaasoo xidhiidho dhow la leh Al-Qaacidada Waqooyiga Afrika.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in labadan urur Argagixiso ay mas’uul ka yihiin dhimashada kumanaan ruux oo lagu dilay waqooyi bari iyo bartamaha Nigeria sanadihii u dambeeyay.

Sidoo kale kooxdan ayaa lagu eedeeyay afduubka 7-shaqaale u shaqeynayay shirkad qaabilsan, waxaana liiska lagu daray uu bilow u noqon karaa weeraro lagu bartilmaameedsado hogaamiyeyaashooda.

Ururka Boko Haram ayaa dooneysa in shareecada Islaamka ku soo rogto dalka Nigeria, waxaana dagaal ay kula jiraan dowladda, waxaa uu ururka ka mamnuucay waqooyi bari Nigeria waxbarashada reer galbeedka, iyadoo la gubay iskuulo fara badan.

Salaanmedia/Hargaysa