Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Ka Soo Kala Jeeda Xisbiyada WADANI Iyo KULMIYE Oo Si Wada Jir Ah Ugu Eedeeyay Labada Gudomiye Ku Xigeen In Ay Golaha Muran Ka Dhex Abuureen.

unnamed (1)

 

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaanada Golaha Wakiiladda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Xisbiyada Kulmiye iyo waddani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiiladda ayaa taageeray go’aankii uu Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku sameeyey isku-shaandhaynta, waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankii ay shalay labada Guddoomiye ku-xigeen ku burinayeen isku-shaandhayntii iyo is-doorashadii gudiyadda Golaha.

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaan Cumar San-weyne, Xildhibaan Ibraahin Rayte, Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale  iyo Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku Eedeeyey labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf in ay Golaha fidno iyo muran sharci daro ah ku soo dhextuureen isla markaana sheegay in aanay awood u lahayn iyagu inay is hortaagaan Go`aamada uu soo saaro Gudoomiyaha Goluhu.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xildhibaanada oo qaar ka mid ah  loo doortay ayaa sheegay sharciyadda Golaha cida awooda ugu saraysa lihi in uu yahay Guddoomiyaha golaha wakiilada labada Ku-xigeena aanay awood lahayn, waxaanay ku tilmaameen niman is-burinaya iyagoo farta ku fiiqay Cali Yuusuf in uu go’aanka hore u saxeexay isla markaana is-doorashadii guddiyada uu mid walba faylkeeda ka qabanayey markay is-doortaan.

Xildhibaanadan ayaa hadalkoodu u muuqday in aanay Xukuumadda iyo Xisbiyadooda toona wax la diidanayn hase yeeshee ay diidan yihiin shakhsiyaad sharciyaddii Golaha loo bur-burinayo hase yeeshee waxa ay ka gaabsadeen in ay shakhsiyaadda carabaabaan, wallow ay saxaafaddu maalmahanba qoraysay in Xildhibaan Cali Mareexaan ku soo gabanayo xukuumadda isla markaana uu Liqi kari la’ yahay Xildhibaan Rayte oo kaga adkaaday Tartankii guddoomiyanimada Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca.

Sidoo kale, hadalka Xildhibaanadan ayaa muujinaya in khilaaf weyn iyo kooxaysigii xisbiga Kulmiye oo kale ka dhex taagani uu iyana dhinaca Golaha ka dhex jiro oo ay isku khaarajinayaan kuwo madaxtooyadda laga soo dhaweyso iyo kuwo aan albaabka ka gelin isla markaana aar-goosi kaga wada Golaha.

Dhinaca kalena, hadalka Xildhibaanadan waxa uu hoos u dhigayaa weerarkii ay xukuumaddu ku haysay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI iyo Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Talaabadan ay shalay  qaadeen labada gudooomiye ku xigeen ee golaha wakiilada ayaa lagu tilmaamay mid u dhiganta madaxweyne ku xigeenka oo kala dira wasiirada madaxweyne siilaanyo magacaabay.

Wariye Axmed naasir/Hargaysa

 

 
Â