Shirkii Jubooyinka ee Mogdisha ka socday oo lagu kala booday(akhri sababaha keenay)

Daawo Shir Jaraa’id oo ay wadaa jir u qabteen Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia iyo Maamulka Juba.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan madasha shirka Jubooyinka ayaa sheega in shirka oo lagu waday in maanta la soo gaba gabeeyo lagu kala booday, oo labada dhinac ay isku khilaafeen.

Sababaha keenay khilaafka ayaa lagu sheegay in ay yihiin: Awood qeysiga maamulka lagu wado in loo dhiso Jubooyinka,taas oo ay qeybaha ka soo horjeeda Axmed Madoobe(Bare Hiiraale iyo kooxda kale) ay doonayeen in qof walba oo iyaga ka mid ah qeyb looga qoondooyo maamulkaas, laakiin dhinaca Axmad Madoobe waxa ay ku adkeysteen in marka laga hadlayo awood qeybsiga ay kooxda ka soo horjeeda hal koox ahaan u la tacaamuli doonaan, oo aysan mid mid ula macaamileyn taas oo iyagiina ay diideen.

Sababta kale ee keentay in shirka lagu kala boodo ayaa ah: in kooxda ka soo horjeeda Axmed Madoobe ay ku adkeysteen in marka hore ciidamadooda  banaanka ka jooga Kismaayo loo ogolaado in ay dib ugu soo noqdaan magaalada Kisamaayo ka hor inta aan laga hadlin dhameystirka maamulka Jubooyinka.

Arinta kale ee leysku afgaran waayey ayaa ah cida u saxiixeysa kooxda ka soo horjeeda Axmed Madoobe heshiiska, waayo Axmed adoobe waxa uu ku adkeystay in kooxdaas ay hal qof ay iska soo xulaan oo u saxiixa heshiiska, balse ay iyagii ku adkeysteen in ay mid mid u saxiixayaan heshiiska.

Dadban ayaa u arka in qodobadaas aysan ahayn kuwo muhiim ah oo shirka u burburo waayo waa kuwo procedure ah oo aysan ku jirin arimaha Muhiimka ah ee dhaliyay xiisada la xalinayo.

Khilaafka ayaa yimid iyadoo maanta lagu waday in shirka la soo xiro, oo ay ka qeyb galaan wufuud caalami ah iyo wadamada deriska sida Kenaya iyo Itoobiya.

Salaanmedia/Mogdisho