Shirkii ka dhacey magaalada Birmigham taariikh-dii 9/11/13 ee ku saab-sanaa Taageerida Maskaxdii Madasha iyo Shir doodeedka Talo Qaran iyo Sawiro

Sunday, November 10th, 2013 

Shirkii ka dhacey magaalada Birmigham taariikh-dii 9/11/13 ee ku saab-sanaa Taageerida Maskaxdii Madasha iyo Shir doodeedka Talo Qaran iyo Sawiro

Waxaa maanta oo taariikhdu aheyd 9/11/12 ka dhacday magaalada labaad ama caasimada labaad ee  Ingiriiska oo ah magaalada  Birmigham xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ku saabsaneyd  Baaq- taageero mug-leh oo ku wajahneyd  Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka fikradoodii  caafimaadka qabtey ee aheyd  in wadanku  maanta gaadhey waqti la yeesho talo qaran oo mideysan taas oo  ay u-soo jeediyeen Madashu kuna wareejiyeen in shirka dooda talo qaran ay  la wareegaan oo ay qab-taan labada xisbi qaran ee Waddani iyo Ucid iyaga oo Madashu  karaameynaaya oo qadarinaaya sharciga wadanka u-yaala.Waxaa iyagana isla munaasibada xafladaa si baaxad leh  loo-gaga hambalyeey Labada Xisbi qaran ee Wadani iyo Ucid sidii sharafta iyo qadarinta  mudneyd ee ay u-ajiibeen  qabashada dood furan oo ku saabsan talo- qaran iyaga oo ay hada u- diyaar garoobayaan qabashada shirkaa talo-qaran oo ay ka dhawaajiyeen in ay dhawaan xisbiyada mucaaridka ahi ay ku dhawaaqi doonaan shirkaa waqtigiisa, agandihiisa  iyo goobta lagu qaban doonaba. waxaa uu dhamaan wax-garadkii goobtaa xaflada isugu yimi ay isla qaateen in uu noqdo shirkaa talo qaran shir doodeed baaxad leh oo ay u-dhamaadaan dhamaan qeybaha bulshada kala duwan ee Somaliland laguna dhiiri geliyo  oo albaabada loo furo in xukuumadu ka soo qeyb-gasho, si loo wada-roobo oo laysu maskax-tuujiyo oo loo gorfeeyo caqabadaha is dul–barkan ee maanta Somaliland hor yaala.
 image
Wax-garadkii  shirkaa ka soo qayb-galey oo ay ugu cad-cadaayeen taageerayaasha madasha wada tashiga iyo toosinta, iyo taageerayaasha labada xisbi ee mucaarid waa  ( Waddani+ Ucid )  waxay si mug-leh u-naqdiyeen ugana  hadleen qodobadan hoos ku qoran iyo qaar kale oo badan.
image (2)
1- Nabadgelyada  caasimada wadanka iyo ta guud ee wadanka oo hada faraha ka sii baxeysa maa-daama maanta hadh-cadaan ah mujaahidiintii wadanka dhiigooda iyo dheecaankoodaba u-soo hurey lagu ugaadh-sanaayo oo si badheedh ah loogu rasaaseynaayo caasimadii wadanka taas oo hadii aaney xukuumadu ka qaadin talaabo adag oo sharciga wadanka waafaqsan danbiilayaashaa,  in nabadgelyada wadanku halis geli doonto. waa in sharciga lala tiigsado ayey dhamaan ka dhawajiyeen martidii kala duwaneyd ee goobta ka hadashey iyaga oo farta ku fiiqaaya  shaqsiyaadka fawdada wadanka kawada
ee khal-khalinaaya wadanka nabad-gelyadiisa iyo isu socodkiisa ayey yidhaah-deen.
2- Han-jabaada- handa-daada iyo cago jugleynta joog-tada ah ee lagu hayo biri-mageydada wadanka  oo  ay ugu horeeyaan haweenka , wax-garadka iyo saxaafada xorta ah ee wadanka oo awood-dawladeed oo gurucan mar-walba lagu cabudhiyo oo lagu  xibiso oo xag-xagasho iyo xabad loola tago.
image (7)
3- Waxaa dhamaan dadweynihii goobtaa xaflada isugu yimi ay sii wada jir ah oo tiiraanyeysan ay uga xumaadeen xadhiga lagula kacey Luul Xasan Mataan oo maamuleysey kuna  tacabtey Agoonta iyo dibjirkii derbi-jiifka ahaa ee Somaliland oo xukuumadu hore u-dayacdey ayaa  halkii ay xukuumadu  ku hambalyeyn laheyd shaqadaa adag ee ay qabatey ee weliba ay shahaadada ku siin laheyd ayaa nasiib-daro  maanta xukuumadii  xabsiga dhigtey LuuL  iyo qaar eheladeedii ka mid ahaaba.  Waxaana ay dadweynihii xafladaa isugu yimi ay xukuumada ka codsadeed in si deg-deg ah xoriyadeeda loogu soo celiyo Luul Xasan Mataan.
4- Musuq-maasuqa xadh-kaha goostey ee dhamaan hayadaha wadanka saameeyey oo maanta cid-gaar ahi ay afka u-dhigato anfaca, ilaha dhaqaalaha  iyo iidaanka wadanka  iyaga oo ay awood dawladeed oo aan gabasho laheyni ay dabada ka wado. waxaa uu muwaadin dhawaan wadanka ka soo noqdey oo goobtaa ka hadley oo diidey in magaciisa la sheego uu si duur-xul u-yidhi  ”maanta waxaan S/land  aan in-dhahayga ku soo arkey in kolba shuuxa yar ee roobka ah ee wadanka u-da’a in ay cagta mariyaan oo ay markiiba diirtaan oo ay xaalufiyaan duul-xaafadeysan oo aaminsan qabyaalad ay ummaddeenu hore u-soo eeday oo qaawan oo aan gabasho laheyn”.
 image (4)
5- Waxaa goobtii xafladaa lagaga dhawaajiyey in Dhimashadii, dhaawicii, diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, qeybsanaantii, iyo qabyaaladii ay inagu reebtey Doorashadii xaqdarada iyo xaaraanta ku dhamaatey ee golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 in ay  weli inoo huursan yihiin  oo aan waxba la iska weydiin sidaa daraadeed,  hadii aan hadda laga wada tashan in ay adkaan doonto ha-dhow  sidii dib la isugu aamini lahaa doorashooyinka isbarkan ee ka culeyska badan doorashadii golayaasha degaanka ee hada  fooda inagu soo haya.
6- Waxaa goobtaa la-ga-ga dhawaajiyey in ay xukuumada hada ka muuqato sifa-faale cago jiid ah oo cimri-dherer ah oo ay xukuumadu dooneyso in aaney doorashooyinka soo socdaa waqtigooda ku qabsoomin, waxaana ay Xukuumada ku booriyeen in ay doorashada ay ku qabato watigii loogu talo galey.
 image (4)
Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London