Wariye Mareykan Ah Oo Lagu Haysto Gobolka Mudug Oo Xaaladdiisa Halis Tahay(Daawo Sawiro)

Nov 18,2013 Muqdisho(SM)-Wariye u dhashay dalka Mareykanka, balse haysta dhalashada Jarmalka oo lagu haysto howdka gobolka Mudug ayaa xaalad cakiran soo wajahday kadib markii uu la qabsan waayay cimilada iyo cuntada la siinayo, taasoo keentay in noloshiisa ay kusoo aruurto biyo kaliya.

Wariyahan oo lagu magacaabo Michael Scott Moore ayaa waxaa laga afduubtay magaalada magalada Gaalkacyo bilowgii sanadkii 2012-kii, wuxuuna gacanta ugu jiraa kooxo ka tirsan burcad badeeda.

Michael Scott Moore oo koox wariyeyaal ah ay ku booqdeen goobta lagu haayay ayaa waxay kasoo qaadeen sawirro, kuwaasi oo muujinaya isbadalka ku dhacay Wariyahan, taasina ay ugu wacan tahay nolosha adag ee uu ku jiro iyo handadaad mar walba uu kala kulmo kooxaha gacanta ku haayo.
1
Kooxahan ayaa sheegay in ay dili doonaan ama ay u gacan gelin doonaan Al-Shabaab, taasoo welwel badan ku abuurtay Michael Scott Moore.

Waxaan shaki ku jirin in dhibtaaoyin kala duwan loo geystay weriye Michael Scott Moorei inta uu gacanta uu ugu jiray kooxaha burcada badeeda.
2
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ka codsaday in uu ka shaqeeyo sidii xorriyadiida loogu soo celin lahaa.

Michael Scott Moore wuxuu ka tirsan yahay Wakaaladda wararka Spiegel Online ee xarunteeda tahay dalka Jarmalka.345

Salaanmedia/ Muqdisho Office