Wasaarada Warshadaha Somaliland Iyo Maal-gashadeyaal U Dhashay Wadanka Shiinaha Oo Heshiis Kala Saxeexday+ SAWIRO

Nov 21, 2013 Hargeysa(Salaanmedia) –  Wasiirka Wasarada Wershadaha ee Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timmo Cad) ayaa Maanta Heshiis Caalami ah la saxeeday Maalqabeeno Bilyeener ah oo Wadanka Shiinaha u dhashay oo Somaliland Maalgashi ku sameynaya.

Kulan Heshiiska lagu kala saxeexanayey ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Wasarada Wershadaha ee Magaalada hargeysa, Waxayna ku kala saxeexdeen in Somaliland laga hirgaliyo illaa 20 Wershadood oo xarumahoodu noqon doonan Somaliland, Wershadaasi ayaa waxa ugu weyn Ta Baaburta, iyo mid sameyndoonta Baaskiiladaha, Iyo wershada sameyndoonta Cunta Caruunta.

Heeshiiskan ayaa waxa kale oo lagu kala Saxeexday in dhammaan Alaabta ay soo saran China Ganacsi ahaa loo keeno Somaliland.

Maalqabeenada Shiina ayaa sheegay in Somaliland in ay maalgashadan u doorteen in ay tahay meel Nabadgelyo buuxda ka jirto, wax akale oo ay sheegen in Dawlada Shiinaha ay Wadamada Afrika danaynayso o ay maalgashi ku samaynnayso.

P1050583

P1050581P1050578P1050577P1050556P1050563P1050573P1050575P1050576

Salaanmedia/Hargeysa Office

 
Â